Monday, May 26, 2014

G/sare Cabdiraxmaan Tuur-yare:"Qof kasta oo Alshabaab laga qabto waa la tooganayaa”


 maxkamaddaMuqdisho(GNA)-Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa markii u horeysay xukun dil ah ku fulisay nin lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasoo lagu qabtay qoriga Hoobiyaha,




Xukunka deg dega ah oo ahaa kii ugu horeeyey, ayaa lagu sheegay mid socon doona oo laga bilaabo hada dagaalyahanada Al-shabaab si joogto ah loogu fulin doono.




 “Maxkamada ciidamada qalabka sida waxay xukun dil ah ku riday eedeysane Nuur Cabdule Cawaale oo 21-jir ah, ina Xaawo Cali, ku dhashay Galgaduud, degan degmada Yaaqshiid, Xafiiska xeer ilaalinta wuxuu ku soo eedeeyay in lagu soo qabtay qoriga Hoobiyaha 82 iyo xabadihiisa, wuxuu garsoorka hortiisa ka qirtay inuu Shabaab ka tirsan yahay”sidaasi waxa yiri Liibaan Cali Yarow oo xukunka riday.




Ciidamada ayaa isla goobtaas ku toogtay ninkii la xukumay.




Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida G/sare C/raxmaan Maxamuud Tuur Yare ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya aanay dhici doonin in cid alaala cidii ka tirsan Shabaab ee la qabta aanay baxsan doonin, kii la qabatana isla goobta lagu fulin doono dil




“Wixii maanta ka dambeeya waa dhamaatay cid baxsata, idinkoo shabaab oo argagixiso hadii idinku cadaato meeshii la idinku qabto la idinku xukumayaa, oo la idinku tooganayaa, maxkamada ciidamada qalabka sida waa diyaar, waxay diyaar u tahay in shaqadeeda ka soo baxdo, cadawga umadan inaan sharciga marsiino oo aan uga jixin jixin oo aan uga nixin”ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida.




Go’aankan ayaa imanaya xili ay Xabsiyada ku jiraan tobaan lagu xukumay Dil oo Al-shabaab ku eeddeysan, kuwaas aan wali lagu fulin toogasho.




Xabsiyada ay ku jiraan Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa hore loo sheegay in laga sii daayay qaar badan oo maxaabiis ahaa, kuwaa oo saraakiisha jeelashu sii daayeen.




Nidaamkan ayaa wax ka tari doona tuhunnada la aaminsanyahay inay dagaalyahano Alshabaab ahi Xabsiayda kaga baxsadeen.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@Gobanimonews.com