Friday, May 30, 2014

ku-xigeenkii hore ee amniga Somaliland iyo Ilaaladiisa oo xoog lagu qabtay +Dhaawac


Hargeysa(GNA)-Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Somaliland iyo saddex nin oo kale oo midi ku dhaawac yahay ayaa xalay laga soo qabtay Guri ku yaala xaafadda jig-jiga yare e Magaalada hargeysa.




Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa Bishan horaanteedii xilka laga qaaday, waxaanu ka mid ahaa Garabka Xisbiga kulmiye ee la safan Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.




Abaarro 2:10 xalay, ayaa Ciidanka RRU-da iyo SPU-da Somaliland ku weerareen Gurigiisa oo ay ku sugnaayeen dhawr Nin oo ilaalo u ahayd, kuwaasoo ah shacab.




Ciidanka ayaa rasaas iyo Sunta dadka kaga ilmaysiisa u isticmaalay guriga uu degenaa oo ay ku noolaayeen xaas iyo afar caruur ah ka ugu weyni sagaal jir yahay, sida ay Gobanimo u xaqiijisay Sacdiya Maxamed Cali oo xaaskiisa ahayd.




Mid ka mid ah raga ilaalada u ahaa ayaa ciidanku ka qabtay isagoo dhaawac ah oo dhiigbayaxa Meel musqul dhexdeeda ah, kaasoo laba xabadood ku dhaceen.




Sacdiya Maxamed Cali ayaa Gobanimonews u sheegtay in Odaygeeda markii la qabtay uu ka badbaaday xabad askartu ku riday.




Dhawaaqa rasaasta lagu ridayey ayaa laga maqlayay darafyada Magaalada, taasoo cabsi ku abuurtay dadka xaafadda degen iyo kuwo ajaanib ah oo degen Hudheelka Maansoor oo dhawr boqol oo Talaabo u jira guriga lagu weeraray.




“Reerkan waxa loo galay si aan hore loo arag oo wax bino-aadam lagu sameeyo ahayn”sidasi waxa Gobanimo u sheegay mid ka mid ah dadkii jaarka la ahaa ee ku sasay xabadda.




Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa ka mid ahaa Garabka Hogaanka Xisbiga khilaafku kala jabiyay ee Kulmiye, dhinacaasoo uu hogaaminayo Muuse Biixi Cabdi.




Ma cadda sababta loo xidhay, hase ahaatee waxa loo aanaynayaa eeddeymo xukuumadda uu u soo jeediyay oo dareen xaasaasi ah dhaliyay, kaddib markii uu xubno ka mid ah Golaha wasiirrada ku eeddeeyay inay ka tirsanyihiin Urur-diimeedyo xag jir ah.