Friday, May 30, 2014

Xaaska ku-xigeenkii hore ee amniga Somaliland: Ciidanka RRU-du Rasaasbay nala dhaceen”dhegeyso


Wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga Somaliland oo xalay gurigiisa laga qafaashay isaga iyo 3 nin oo Ilaalo u ahaa +Sawirro  naxdin leh + xaaskiisii oo ka warantay sidii loo galalay




Magacyada saddex Nin ee lala xidhay oo midkooda dhaawac lagu qabtay..




Wasiir-Ku-xigeenka-amnigaHargeysa(GNA)-Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Somaliland ayaa xabsiga Magaalada Hargeysa loo taxaabay xalay saqdii dhexe, kaddib markii ay Kolanyo ciidanka Bilayska ahi Gurigiisa ku weerareen.




Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa Bishan horaanteedii xilka laga qaaday, waxaanu ka mid ahaa Garabka Xisbiga kulmiye ee la safan Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.DSC03772




Xadhiga Masuulkan ayaa yimi kaddib iska hor-imaad wakhti socday dhex maray Ciidamada Ammaanka ee soo qabtay iyo Niman hubaysan oo gurigiisa ku ilaalinayay.




Israsaaseynta ayaa sida Gobanimonews u xaqiijiyeen qoyska Masuulka la xidhay waxa dhaawacyo ka soo gaadheen mid ka mid ah Raga ilaalinaya, iyadoo warar kalena ay sheegayaan Askari boolis ahina ku dhaawacmay.




Saleban Cumar Guuleed oo ah Ninka Dhawacu soo gaadhay, Ismaaciil Cumar Aw-cismaan iyo Cabdi Cumar Aw-cismaan ayaa lala qabtay Cabdilaahi Abokor Cismaan.




Bilayska ayaa Rasaas iyo Bombo Faal qurubyadeedu halkaasi yaaleen waxyeelo balaadhan ugu geystay Guriga, iyagoo sida ay qoysku sheegeen meel kasta xabadda ku ridayey guriga gudihiisa.DSC03767 DSC03768  DSC03770 DSC03771   DSC03774   DSC03777 DSC03778




Sidoo kale Caruur yar yar oo Guriga jiiftay ayaa la sheegay inay waxyeelo soo gaadhsiiyeen, kuwaasoo ka ka mid ahaa uun dadkii ay guriga ku galalafeen.xadhiga




Xaaska Cabdilaahi Abokor ayaa Gobanimonews u sheegtay in Odaygeeda loo xidhay eeddeymo uu dhawaan xukuumadda u jeediyay intii Khilaafka Xisbiga kulmiye aloosnaa.




Halkan ka dhegeyso Waraysi Sacdiya Maxamed Cali aanu la yeelanay:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Guriga-la.mp3"][/audio]




Masuulka hore ee la xidhay ayaa  saddex maalmood ka hor u jeediyey xubno ka mid ah golaha Wasiirrada oo uu ku tilmaamay inay xidhiidh la leeyihiin Ururri xag-jir ah oo doonaya inay xoog kula wareegaan hogaaminta waddanka.




“Golaha Wasiirrada waxa ku jira Koox guntigaab aanu u naqaanay qoladayada amnigu oo sheegta Ururr diimeedyo ilaa afar nooca oo magacyo kala duwan sita, sida al-islaax, Ikwaan, Shabaab iyo kuwo magacyo kale wata”ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii todobaadka dhamaaday.DSC03775




Waxaanu intaasi ku daray “ cida qaska dalka ka wada ee xisbiga kulmiye Inqilaabaysa maantu waa nimankaas oo doonaya inay qabsadaan siyaasadda dalka”.




Eeddeyntan oo ah tii ugu cuslayd ee ka soo yeedhay Masuul xukuumadda xil ka qabtay oo la eryey, ayaa dareen badan bulshada ka dhex abuurtay, isla markaana hadal heynteedu maalmihii la soo dhaafay socotay.DSC03776




Inkasta oo dadka qaarkii ku dhaliilayeen sheegida xogta xili uu xukuumadda ka baxay, oo ay ahayd inuu iftiimiyo wakhtigii uu xilka hayay, hadana dad badan oo xiisada siyaasaddeed xisbiga kulmiye qayb ka ah ayaa Taageero uu kaga helay dhaleecayntan, taasoo maalmahan sumcadiisa kor u soo qaaday.




Waxaanu dhinaca kale warkiisu badhitaar u noqonayey Dhaliilo mawduucan la xidhiidha oo uu maalin ka hor u soo jeediyay xukuumadda Sheikh Aayatule oo hore wasiirka Diinta uga soo noqday xukuumadihii dalka soo maray.




Jawaabta Xukuumadda




Iyadoo ay doodda ka dhalatay dhaleeceyntiisu sii qoyantahay, ayaa Wasiirka Madaxtooyada ee Xukuumadda Siilaanyo Xirsi Xaaji Cali oo la waydiiyey, aragtida xukuumadda ee eeddan, meesha ka saaray arrintan, waxaanu ku doodday in cidii warkaasi ka soo baxay ay caddeyn doonto.




“Wasiirro Al-shabaab ka tirsani Xukuumadda kuma jiraan, cida warkaa sheegtayna iyadaa caddeyn doonta”.DSC03773




Ilowareedyo madaxbanaan oo la xidhiidha xadhiga wasiirka hore ayaa Gobanimonews u sheegay inuu amray Wasiirka Madaxtooyada oo shalay dalka dib ugu soo laabtay.DSC03769




Gobanimonews




Hargeysa Office




La soco goor dhow sawiro dheeraad ah iyo Muuqaal