Thursday, May 29, 2014

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismeyaal Cusub Oo Lagu Kordhiyey Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta JSL.

MADAXWEYNE KU XIGEENKA SOMALILAND OO XADHIGA KA JARAY DHISMEYAAL CUSUB OO LAGU KORDHIYEY WASAARADA WARFAAFINTA DHAQANKA IYO WACYIGELINTA JSL
0 View
untitledMADAXWEYNE KU XIGEENKA SOMALILAND OO XADHIGA KA JARAY DHISMEYAAL CUSUB OO LAGU KORDHIYEY WASAARADA WARFAAFINTA DHAQANKA IYO WACYIGELINTA JSL.


Xafladan Xadhiga lagaga jarayey Dhismeyaayshan Cusub ee laga Hirgeliyey Xarunta Wasaarada Warafaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSl oo lagu qabtey Xarunta Wasaarada Warfaafinta Waxa ka soo qayb galey Mas’uuliyiin,Marti Sharaf, Fanaaniin iyo qaybo kale oo bulshada ah.

Ugu Horeyn Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland C/raxmaan Ismaaciil Saylici oo Halkaas Hadal ka soo Jeediyey ayaa ka Warbixiyey Hormarka Balaadhan ee Xukuumadu u Qabato Dadkeeda isagoo Tusaale wacana u swoo Qaatey Labadan Dhisme ee lagu soo Kordhiyey Xarunta Wasaarada Gaar ahaan Telefiishanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.



Waxa kale oo isna Halkaas Hadal dardaarana ka soo Jeediyey Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada

Ciyaaraha iyo Dalxiiska jamhuuriyada Somaliland Cali Siciid Raygal isagoo kula dardaarmey Dhalinyarada Saxaafada Somaliland iney ilaaliyaan Anxshaxa Gudbinta Wararka Isagoo Arimahaas ka Hadlayana waxa uu yidhi “Runtii Waxaad Arkeysaa Qof War sheegaya oo hadana aan sidii ay aheyd wax uu sheegayn wuxuu kala reebayaa Magaca wasaarada Miyaanay qalad aheyn inuu qofku idhaah wasaarada Warfaafinta, waxa aheyd inuu idhaah Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta”.





Maareeyaha Guud ee Telefiishanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo isna Halkaas ka hadley ayaa ka Waramay maraaxilkii hirgalinta dhismahani soo martay Dhaqaalaha Ku Baxay Istudio yaashan Xadhiga laga Jarey Waxaanu yidhi “Qalabka Aanu ku Rakibney Istudio-gu waxa ku baxey $34 Dollar laba Kamaradood oo aanu ku Rakibney Istudioga Cusub waxa ku baxay isna $ 20 kun oo dollar halka qalabka kale ee ay ka mid ka yihiin Sound Prove-ka iyo Mixer ay ku Baxdey $10 kun oo dolla” sidoo kale wuxuu maareeyuhu ka warbixyey Qalabyada kale ee ay dhigeen Istudio-yaasha kale ee uu ka midka yahay Studio-ga Sweden oo uu sheegay iney dhigeen Qalab Cusub oo sahlaya in Toos ay ugu soo Xidhmi karaan Studio-ga Dhaxe kaasoo Habeen Walba oo jimce ah Hal Barnaamij oo Lacag loogu uruurinayo wadada ceerigaabo uu ka baxo Telefiishanka.



Wasiir Ku Xiggeenka Wasaarada Warfaafinta oo halkaasi ka hadlay waxaana uu ka hadlay Marxaladihii kala Duwanaa ee ay soo Mareen Dhismayaashan Maanta Xadhiga laga Jarey, sidoo kale wuxuu Wasiirku ka Hadley Xidhiidhka u Dhaxeeya Wasaarada iyo Saxaafada Madaxa banaan oo uu sheegay iney ka dhaxeeyaan Xidhiidh Qoto dheer oo wanaagsan.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL ayaa isna xusay Horumarka Balaadhan ee Wasaaradu ku Talaabsatey Mudooyinkan u Dambeeyay isagoo tusaale usoo qaatey labada idaacadood ee Wasaaradu maamusho ee idaacada Qur’aanka iyo Radio Hargeisa oo Dhawaan lagu Baahiyey Gobolada Waaweyn ee Dalka.

Gebagebadiina badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Maxamuud Cali Ramaax Oo Halkaas hadal kooban kasoo jeediyey ayaa ka Waramey Hormarka balaadhan ee Wasaarada Warfaafintu ku talaabsatey Mudooyinkii u Dambeeyay isagoo Bushaaro uu uga Sido Shacabka ku nool Sanaag ka soo Jeediyey Goobta lagu qabanayey Xaflada kaasoo sheegay in Bulshada ku dhaqan Sanaag gaar ahaan Ceerigaabo ay ku hambalyeeyeen Xukuumadan iyo wasaaradaba Idaacadaha Quraanka iyo Radio Hargeisa Oo si Toosa looga Dhageysto Magaaladaasi.

Labadan Dhisme ee Maanta laga Furey Xarunta Wasaarada ayaa loogu talogaley mid ka mida Xafladaha Wacyigelinta halka Mid ka kalena loogu talogaley Studio- laga tabiyo Baahinada ka Baxa Telefiishanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.