Thursday, May 29, 2014

Qarax ka dhacay Hargeysa


Qarax xoogan ayaa ka dhacay goor-dhaweyd Agagaarka Isgoyska Togdheer ee Caasimada Hargeysa, halkaasoo walax loo malaynayo Miino ay ka qaraxday meel Waddo ah.




Daryanka Waxa ka qarxay oo loo malaynayo inay tahay Bombo gacan ku samays ah, ayaa laga maqlay inta badan qaybaha kala duwan ee Magaalada.




"Waan hurday, waxaa markaliya dhacay qarax, waxa nagu soo daatay Ciidii Guriga, dibada umaanu bixin, cid wax ku noqotay maanu arkayn, ciidan boolis ah ayaa meesha baadhaya"sidaas waxa yidhi goob-jooge wax yar guri u jirta meesha wax ka qarxeen jooga oo Gobanimo la hadlay.




Qof u dhowaa goobta Qaraxu ka dhacay oo kale, ayaa Gobanimonews sheegay in walax laamida dhinaceeda la dhigay ay qaraxday, taasoo meel banaan ah ku qaraxday.




Goobta Qaraxu ka dhacay ayaa ah laag ama biyo mareenka ka soo daadega xaga xaafadda Gol-jano, oo ku beegan ka soo horjeedka Fooqa Ilma seeraar, isla markaana ah halka ay ka leexato Laamiga Guriga Shaqaalaha u kacda ee dhex marta Xaafadda Hindia Line-ka.




Sarkaal ka tirsan Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay maqleen qaraxa wax loo malaynayo Bombo gacan ku samays ah (Shani), taasoo agagaarka Cisbitaalka Guud oo waxyar u jira goobtaas ka qaraxday.




qaraxa ayaa dhacay 20 daqiiqo ka hor oo ku beegnayd abaaro 12:10.




 




Dad Meelo kala fog jooga oo Magaalada ah ayaa maqlayay Qaraxan, waxaana ka mid ah Khadar oo nala soo xidhiidhay xaafadda New Hargeysa iyo qaar kale oo ku sugan Kilalka Shanaad.




ma jirto cid wax ku noqotay oo ilaa hada la soo sheegay.




Qof Cisbitaalka Guud ku sugan oo aan la xidhiidhnay ayaa sheegay inaan cid waxyeelo soo gaadhay la keenin.




Ciidamo Bilays ah ayaa goobta baadhitaano ka bilaabay.




Wariye ka tirsan Gobanimonews ayaa ku sii jeeda goobta.




la soco wixii soo kordha...