Monday, May 26, 2014

Maraykanka,Ingiriiska,Itoobiya iyo Dalalka Saaxiibku,Ha U Soo Gurmadaan Somaliland!!


Maraykanka,Ingiriiska,Itoobiya iyo Dalalka Saaxiibka ahi,Ha U Soo Gurmadaan Somaliland, Oo Ha Ka Qabtaan Kooxaha Wadaadada ah ee Shaadhka Wasiirada Xidhan ee Dalkii Khilaafka Geliyey,Hantidii Dalkana Boobaya,Ee Siilaanyo Ku Dul-maamula Dalka.




Waqtigan xaadirka ah khilaafka xoogan ee ka dhex taagan  xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE,ayaa sabab looga dhigayo khilaafka xisbiga KULMIYE kooxo wasiiro ah, oo u badan wadaado xidhiih la leh ururo islaamiyiin ah, oo ka kala jooga dalalka carabta qaarkood,kooxdan wadaadada ah ayaa waxa la sheegayaa inay taladii dalka ay ka maroorsadeen madaxweyne siilaanyo,oo xitaa waxa dhacday wasiir ka tirsan wasiiradaasi aynu soo sheegayno in uu madaxweynaha hortiisa waxa uu doono ugu hanjabay wasiirkii hore ee ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Dr Maxamed C/laahi Cumar.




Waxay shacabka Somaliland si cad u fahamsan yihiin in madaxweyne siilanayo aysan gacmaha ugu jirin taladii dalku, oo ay awoodii dalku u qaybsan tahay kooxo wadaado ah oo xidhan shaadhka wasiirnimo kuwaasi oo hadba sida ay doonaan ka yeelaya taladii dalka, isla markaana dadweynaha Somaliland ayaa walaac xoogan ka muujiyey xidhiidhak dhaw ee ka dhaxeeya kooxahan wasiirada ah ee u badan wadaada xidhan shaadhka wasiirnimo iyo kooxaha islaamiyiinta xag jirka ah ee ku soo badanaaya gobolka,inkasta oo Somaliland xiliyadii xukuumadii Dahir Rayaale Kaahin kooxaha xag jirku la beegsadeen qaraxo , iyadoo weliba la ogaa sidii dawladii Daahir Rayaale u ahayd dawlad wada sirtoon ah ,ayaan hada mudadii uu siilaanyo talada dalka hayey ee kooxahan wasiirada ah ee u badan wadaadadu talada dalka gacanta ku dhigeen, may jirin wax argagixiso ah oo la qabtay,iyo xitaa wax u dhaw toona arintaasina laguma macnayn karo hayadaha sirtoonka qaabilsan oo adkeeyey sirtoonimada dalka,oo hadii ay taasi jirto ciidamo ONLF –tuba kamay gudbeen xeebaha Somaliland , balse waxa jirta ayaa laga yaabaa xidhiidh kale oo ka dhaxeeya kooxahan wasiirada ah ee u badan wadaadada iyo kooxaha xag jirka ah.




Tan iyo markii xukuumadda siilaanyo talada dalka la wareegtay waxaa soo baxday in xidhiidhkii qotoda dheeraa ee ka dhaxeeyey Somaliland,dalalka reer galbeedka iyo itoobiya uu xumaaday ,kadib makrii kooxo wadaado u badani taladii dalka la wareegeen,madaxweynihii la doortanayna ku dulmaamuleen xilkii loo doortay, arintan oo khatar ku ah amniga iyo gooni-siu taagii Somaliland ka doonaysay beesha caalamka ayaa waxa muhiim ah in dalalka aduunka iyo itoobiya arinta maanta khilaadka ah ee xisbigii talada dalka hayey ee maanta kooxaha wasiirada ah ee hoostana ka sita shaadhka kale ee wadaadnimada ay halkaasi gaadhsiiyeen,iyagoo doonaya in ay madaxweyne siilaanyo runtii iska talax gabay ku shaqaystaan magaciisa iyo awoodisii,kooxahani ma ogola cid kale oo meesha timaada waayo waxa meesha ka baxaya boobkii ay ku wadeen hantida umadda iyo awoodii ay sida ay doonaan u isticmaalayeen.




Sidaasi oo ay tahay waxaa wanaaagsan in aduun weynuhu u soo gurmado Somaliland ka hor inta aysan noqon meel ay kooxaha xag jirka ahi isku urursadaan ,iyagoo xidhan shaadh dawladeen,oo ay umadda ku baabiinayaan.




Maanta oo ugu danbeysay waxay ku dhawaaqeen arin khatar ku ah jiri taanka Somaliland oo ah inay shirkii golaha dhexe ee Kulmiye 1 bisha june qabsan doonaan halkaasina lagu caleemo saari doono odayga haatanba taladisii la arakayo ee siilaanyo,taasina waxay mar kale mugdi gelinaysa mustaqbalkii dadka iyo dalkaba isla amrkaana waxay si hurinaysaa khilaafka ay shideen kooxdani.




Ugu danbeyii waa in dawladda maraykanka,ingiriiska,itoobiya iyo dawladaha kale ee la saaxiibka ah Somaliland uga soo gurmadaan kooxaha doonaya inay dalka ku maamulaan afduubka sharciyeysan.




By: Ayaan Maxamed Cali




Berbera/Somaliland