Wednesday, May 28, 2014

Masuuliyiinta Haatuf: Waxaanu ku xidhnayn Sharci-daro”Dhegeyso


Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf oo ka waramay qaabkii lagu soo daayay iyo sidii xabsiga loogula dhaqmay..




Haatuf groupHargeysa(GNA)-Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf ayaa ka waramay qaabka lagu sii daayay iyo xaaladdooda caafimaad, kaddib markii maanta laga soo daayay xabsi ay muddo 18 cisho ah ku xidhnaayeen.




Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cigge oo maanta xabsiga Gabiley laga soo daayay, ayaa caddeeyey in maanta duhurkii lagu war geliyay in la sii daynayo, iyadoo aan loo sheegin sababta lagu sii daayay, balse markii ay Magaalada Hargeysa soo gaadheen loo sheegay in damaanad lagu sii daayay.




Labada Suxufi ayaa sheegay in intii ay xidhaanyeen xabsiga si wanaagsan loogula dhaqmay.




Guddoomiyaha Wargeysyada xayiran ee Haatuf iyo Somalilandtimes, Yuusuf Cabdi Gaboobe oo Gobanimonews la hadlay markii la soo daayay kaddib, ayaa sheegay in xadhigoodu ahaa mid sharci daro ah, isla markaana hadii dacwad loo heysto ay ahayd inay isdifaacaan  iyagoo xor ah, sida ay shuruucda Saxaafadda Somaliland dhigayso.




Sidoo kale Tafaftiraha Wargeyskaas Axmed Cali Cigge ayaa Gobanimonews u sheegay inaan wax toojar garayn ah iyo dhibaatooyin kale ah loogu geysan xabsiga, balse ay ciidanka Bilaysku si fool xun oo axmaqnimo ka muuqato ay ula dhaqmayeen marka xabsiga lagu soo waddo iyo marka lagu celinayo.




Halkan ka Dhegeyso Wareysiga Yuusuf Cabdi-gaboobe[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Haatufggg.mp3"][/audio]