Tuesday, May 27, 2014

War deg deg ah:Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf oo Xabsiga laga soo daayay


Guddoomiyaha iyo Tafaftiraha Wargeyska Haatuf ayaa goor dhaweyd laga soo daayay Xabsiga Magaalada Gabiley, halkaasoo ay laba todobaad ku dhow ku xidhnaayeen.




Sii deynta labada Suxufi ayaa ku timi hab Maslaxad ah, xili ay Maxkamadda kaga socoto dacwad Dawladda iyo qoyska Madaxtooyada ashkhaas ka tirsani muduci ka yihiin.




Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cigge ayaa Axadii todobaadkan la keenay markii labaad Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, halkaasoo lagu dhegeystay Eedeymaha loo haysto.




Labada Suxufi oo loo soo qaaday dhinaca Magaalada Hargeysa ayaan wali saxaafadda la hadal.