Tuesday, May 27, 2014

Somaliland:Xeer Dawladda u Fasaxaya Dhegeysiga Telefoonnada Dadka oo Baarlamanka loo gudbiyay


Hay’addaha Xuquuqda Aadamaha oo ka digay halis ku lifaaqan Xeerka La-dagaalanka Argagixisada oo Baarlamanka horyaala iyo xili kii aasaaska sirdoonka la eeddey…




Golaha  WakiiladdaHargeysa, May 26, 2014 (GNA) – War ka soo baxay  Xarunta Xuquuqal Iinsaanka (Human Rigthts Center) xafiiskooda magaaladda Hargeysa ayaa baarlamaanka looggaga digay halista ku  duuggan  xeerka ka hortaga iyo la dagaalanka argagixisada aqalka wakiillada loo gudbiyay.




Xeerkan ayaa waxa u gudbiyay Golaha  xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu ogolaanayaa in la dhegeysto Taleefoonnada dadka dhicibka.




Xeer hore oo saameyn yeeshay




Baarlamanka Somaliland ayaa hore u ansixiyay xeerka Aasaaska Hay’adda Sirdoonka Qaranka oo ogolaanaya inay sirdoonku si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaaqa Warbaahinta iyo waxyaabaha lagu baahinayo, isagoo dhanka kalena jidaynaya inay sirdoonku la wareegayaan dhamaan qalabka  warbaahinta lagu qabto inay baahinayso waxyaabo dawladdu u aragto inay lidi ku yihiin ammaanka.




Xeerkaas ayaa ay Hay’addaha ammaanka Somaliland si toos ah ugu shaqeeyaan, iyadoo intii la aasaasey lala wareegay xarun warbaahineed oo maxali ah, isla markaana si kedis ah loo fuliyay hawl-gallo amni oo ugub ah.




Xeerkan Hay’adda Xeer dejinta hada loo gudbiyay, ayaa saameyn balaadhan ku yeelanaya xoriyada shacbiga, isticmaalka isgaadhsiinta iyo dirista Lacagaha.




Digniin




War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’addan xuquuqal Iinsaanka ka shaqaysa oo nuqul ka mid ah GNA heshay ayaa u dhignaa sidan:- “Dawladda Somaliland waxay Baarlamaanka u gudbisay xeerka ka hortagga iyo la dagaalanka argagixisada oo ah xeer ku xadgudbaya xuquuqda aadanaha




Golaha Wasiirada ee Somaliland waxay u gudbiyeen Golaha Wakiilada Xeerka ka Hortagga iyo La-dagaalanka Argagixisada. Xeerkan cusubi wuxuu ku yahay xad-gudub dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka. Wuxuu jebinayaa xoriyaadka iyo xuquuqaadka aasaasiga ah oo ay ku jiraan xorriyadda ra’yi dhiibashada, xoriyadda is-gaadhsiinta, xoriyadda bannaan-baxa, dacwad qaadis xaq ah iyo xaqa is-difaaca, xoriyadda dhaqdhaqaaqa iyo xoriyadda is-abaabulka. 




Xeerkan qabyada ahi wuxuu u qeexayaa argagixisonimada si balaadhan oo daba furan. Qeexidda aragagixisonimo ee ku jirta xeerkan waxay keenaysaa cadibaad iyo in lagu dabaqo ficilo balaadhan oo aad u kala duwan.




Xarunta Xuquuqal Insaanku arimaha badan ee ay ka welwelsan tahay ee ku jira xeerka waxa ka mid ah:




 




1.         Wuxuu abuurayaa in dacwadaha loo dhegaysto si qarsoodi ah iyada oo aanay ka soo qayb-galin cidda la eedaynayo iyo cid metelaysa tooni




 




2.         Wuxuu siinayaa dawladda awoodo badan oo ay ku mamnuucdo mu’asasaadka




 




3.         Wuxuu ogolanayaa in la dhexgalo oo la dhegaysto is-gaadhsiinta dadka sida telefoonada, boostada IWM kadibna loo adeegsado cadayn ahaan




 




4.         Wuxuu awood baaxad leh u siinayaa Booliiska inuu dadka xidho isaga oo aan wadan amar qabasho




 




5.         Wuxuu ogolaanayaa in la qabto oo lala wareego hantida dadka iyada oo aan loo marin hanaan sharci




 




6.         Wuxuu abuurayaa hab dacwadeed siinaya booliiska iyo xeer-ilaalinta awoodo fara badan islamarkaana wuxuu xadidayaa xaqa dastuurku damaanad qaaday ee dadku u leeyihiin inay iska difaacaan maxkamada horteeda




 




7.         Xeerku waa mid madmadow badan oo aan cadayn




 




8.         Ciqaabaha ku jiraa waa kuwo naxariista ka fog oo aan u dhigmin ficilada dadka lagu ciqaabayo




 




9.         Wuxuu ogolaanayaa in la diido diiwaangelinta ururada samafalka ah iyo in lagala noqdo diiwaangelinta ururada samafalka ah




 




10.        Wuxuu ku yeelan doonaa saamayn xun xawilaadda lacagaha




 




11.        Waxa ku jira dembiyo ay maamulayaan xeerar kale sida dembiyada la xidhiidha duulista madaniga ah kuwaas oo ku jira xeerka duulista madaniga ah oo isna horyaal Golaha Wakiilada




 




Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa:




 




•           Golaha Wakiiladu inuu diido Xeerka ka Hortagga iyo La-dagaalanka Argagixisada




 




•           Dawladdu inay dib ula noqoto xeerkan ku xadgudbaya xuquuqda aadanaha




 




•           In xeer kasta oo loogu talo galay in lagula dagaalamo argagixisada uu noqdo mid waafaqsan dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka”.