Saturday, May 31, 2014

Askari ku dhintay Qarax ka dhacay agagaarka Taliska Nabad-sugida Muqdisho


Muqdisho(GNA)-Ugu yaraan Hal Askari oo ka tirsanaa ciidanka Nabad-sugida Soomaaliya ayaa ku dhintay Qarax caawa ka dhacay agagaarka Taliska ciidanka Nabad-sugida ee Muqdisho.




Qaraxa ayaa loo adeegsaday Gaadhi Miinaysan oo la dhigay meel banaan ah oo wax yar u jirta Hudheelka City PALACE oo uu shir uga socday saraakiil ciidamada ka tirsan.




Gaadhiga qarxay ayaa horyaalay Dhisme burbursan oo halkaasi ku yaala, waxaana sida la aaminsanyahay ku xidhnayd miinada masaafada laga hago ama rumuudka lagu qarxiyo.




Sida uu sheegay Afhayeenka Ciidanka Bilayska Soomaalia Askariga dhintay ayaa dhaawac culus ka soo gaadhay qaraxaas, kaasoo uu markii dambe u dhintay.




Sidoo kale saraakiisha Ciidanka amnigu waxay sheegeen in qof kale oo rayid ah oo meesha marayay waxyeelo ka soo gaadhay qaraxan.




ma jirto cid loo qabtay qaraxan iyo cid sheegatay toona, hase ahaatee Kooxda Alshabaab ayaa hore weerar ismiidaamin ah billo ka hor ugu qaaday xarunta ciidanka nabad sugida ee Muqdisho.




Weerarkaas ayaa khasaare badan geystay, waxaana looga shakiyay inay ku lug lahaayeen rag ururka Al-shabaab ka tirsan oo Ciidanka Nabad-sugida ku soo dhex dhuuntay, kuwaasoo aqoonsiyo ciidan loo sameeyey.




Ammaanka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa muddooyinkii u dambeeyay aad looga dayrinayay, taasoo ay ku soo bateen weerrarada Ururka Alshabaab ka fuliyo ee kala duwan.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com