Saturday, May 24, 2014

Khilaaf ka dhex qarxay Golaha Deegaanka Burco iyo Mashaariic la hakiyay


Aqlabiyada Golaha oo Fadhi aan caadi ahayn ku ansixiyay waddooyin laysku bedelay…




Burco(GNA)-Xubno ka mid ah Golaha Degaanka Degmada Burco ayaa eedayn u jeediyay Maayarka Iyo ku xigeenka Magaalada Burco waxaanay ku eedeeyeen inay wadaan kala qaybin ,musuq maasuq iyo inay wado hore loo ansixiyay ay ku bedelayaan wado kale .




xildhibaanadan oo ka koobnaa shan xildhibaan ayaa waxay sidaas ku sheegeen shir jaraa,id oo ku qabteen Magaalada Burco.




Xildhibaan Farxaan Cabdi Aw Xirsi oo shirkaas Jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi' hada wax yar ka hor ayuu maayarku isagoo aan wax qoraal ah na siinin wax aanu soo akhrinayna aanu jirin yidhi kalfagadhi baa jira,waxaan doonayaa buu yidhi wadadii baarsiigo ee naga xumaatay  ayaa lagu badalyaa wado aanu bixinay oo qanadaraaskeedii la qaatay kalfadhigaa ma yeelayno baanu ku nidhi oo wado wado loo baabi'yo ma doonayno,wadadaas la leeyahay hala bedelo waa waddada ugu baahida badan”ayuu yidhi.




Xildh.C/risaaq Aar oo isna Ka  mid ah xildhibaanada eedaynta maayarka u jeediyay ayaa sharci daro ku tilmaamay talaabo uu sheegay inay qaadeen Maayirka iyo ku-xigeenkiisu.




''Maayarka iyo xildhibaanda la socdaa waxan ay wadaan waa qayral sharci waxaanay doonayaan inay golaha jiidhsiiyaan,Golaha waxanu ku fadhinay laba iyo toban Xildhibaan waanu kasoo baxnay sideed baa ku hadhay ma buuxo kalfadhigu,wixii goluhu ansixyo ayay fulintu qabanaysaa wadooyinkana horaanu u ansixinay,mooshinkii aanu xilka kaga qadi lahayna meel fiican buu noo marayaa inay is casilaan way diideen insha allaah kalfadhi baanu kaga qadaynaa,maayarka iyo ku xgeenku waxay sameeyeen musuqmaasuq qabyaalad,xeerkaa dhigaya in xilka halkay taagan yihiin lagaga qaado hadii ay kala qaybin iyo musuqmaasuq sameeyaan,dayn badan baa la leeyahay hantidii qarankaa la iibinayaa”ayuu yidhi.




Xil.C/risaaq xuseen faarax iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay ayaa isna ku adkaystay inaanay aqbaleyn wax kasta oo ka baxsan Sharciga.




Maayirka 11 Xildhibaan oo is difaacay iyo fadhi aan caddi ahayn




Dhanka kale in ka badan 11 xildhibaan oo ka mid ah Golaa degaanka ayaa kalfadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen ku ansixiyay in waddo ay lacagteeda hore u ogolaadeen, ay ka noqdeen, taasoo ay  ay ku dayactirayaan wado hore oo biyuhu wax yeeleyeen.




Sidoo kale Maayarka iyo ku xigeenka iyo xildhibaanada la socday ayaa eedaynta xildhibaanada ku tilmaamay waxba kama  jiraan.




Maayarka Maxmed Muraad oo ka hadlaya arimaahas ayaa yidhi'' dad Umadu soo doratay baanu nahay waxaanu ku khasbanay dadku waxay doonayaan,wadaanu samaynay wadadaasi waxaanu ugu talo galay inay dadka wax tarto,wadadii farsamadeedeii baa wax ka yar kharibmeen,waxaau haynay lacag aanu iska kaashanayanay Dawlada hoose ahaan ,dawlada dhexe GPLG ga si aanu ugu jawaabno dadka cabatinkeeda iyo foolxumada ay roobabkii ay ku keeneen.




waxaanu isu qiyaasnay lacagta yar ee aanu hayno inaanu waxoogay qabo ah ku dhigno iyo in aanu taas dhamaystiro oo hagaajino,markaas Goluhu maanta waxa uu cod aqlabiyad ah u ansixiyay in wadadaas gaha ee baarsiigo ka baxda in dib loocasriyeeyo oo la hagaajiyo oo injineero aqoon leh loo diro maaha,Xildhibaanadana waxaa leeyahay marka goluhu fikirka wuu ku kala duwanaan karaa,laakiin in markiiba saxaafada la tago maaha ee shantaas xildhibaan waxaan odhanlahaa golaha kaalayaya,reer Burcona waxaan leeyahay war xumo tashiilku waa badan yahay waxan la leeyahay meel heblaayo ayaa la iibiyay waxaas waxba kama jiraan”ayuu yidhi Maayir Muraad.




Maayar ku xigeenka Burco Muxumad Xasan Jaamac (Xoday),Xildhibaan kayse Cabdi Raage,XildibaanC abdi Kariin iyo Xildhibaan Axmed Cabdi dhinbiil, oo iyana eedayntaas ka hadlaya ayaa waxay sheegeen inay xaq u leeyihiin inay ansixiyaan  waxaanay  sheegeen  in  lacagata ay hayaan ay wadadani ku filan tahay loonsa baahanyahay in wadan la hagaajiyo.




Faro gelin Maamulka Gobolka




Dhawaan ayay ahayd markii Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye Xildhibaanno eedeymo u jeediyay maayirka ku dhaliilay inay deg degeen, isla markaana aannay wax war gelin ah soo siinin Maamulka Gobolka iyo Maayirka toona.




Guddoomiyaha ayaa u soo jeediyay inaanay dib warbaahinta uga shaacin waxyaabaha ismaandhaafka ah ee ay dhexdooda xaliyaan.




Sidaasoo ay tahay waxa muuqata inay wali socdaan yooyootan u dhexeeya qayb ka mid ah Golaha iyo Shir-guddoonka oo ay aqlabiyada goluhu la socdaan.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




axmedmm9@hotmail.com