Wednesday, May 28, 2014

Dhexdhexaadinta Guurtida oo dejisay xiisadii ka aloosnayd Khilaafka Kulmiye.dhegeyso


Madaxweyne Siilaanyo oo waji wanaagsan ku qaabilay Guddida guurtida iyo Muuse Biixi oo Caawa qaabilaya




Xaaji Cabdi Waraabe oo hogaaminaya Guddi labaad ee sanadka Golaha Guurtidu u saaro xalinta Fowdo Madaxtooyada Siilaanyo laga istaadhay..




SiilaanyoooHargeysa(GNA)-Dhexdhexaadin kale oo Golaha Guurtida Somaliland xalay ka dhex bilaabay garabyada Xisbiga Talada haya ee Kulmiye, ayaa damisay xiisad dhawrkii cisho ee la soo dhaafay soo kordhaysay, taasoo ka dhalatay go’aankii Khamiistii la soo dhaafay Shir-guddoonka Shirweynihii saddexaad ee xisbigu ku shaaciyay Guddid fulinta iyo Golaha dhexe ee xisbigaas.




Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleban Maxamuud Aadan oo maalin saddexaad dalka ku soo laabtay, ayaa guddi ka kooban 13 xubnood shalay u saaray khilaafka Xisbiga hadheeyey oo aan ahayn kii ugu horeeyey. Balse afartii sanno ee u dambeeyayba taagnaa.




Guddoomiye Saleban ayaa talaabadan qaaday, maalin kaddib markii uu ku guul-daraystay isku day uu rabay inuu isagu ku xaliyo murankan.




“ilaa shalay waxaan Iddeecadda ka maqlayay hadalo aad u ad adag oo ay isdhaafsanayaan dhinacyada Kulmiye, markaa maaha inuu xisbigu bur-buro”ayuu yidhi Saleban Maxamuud Aadan oo  hadal  jeediyay markuu guddida magacaabay.




Dhexdhexaadin bilaabantay




Guurtida dhexdhexaadiyeyaasha ah ayaa hawshooda xalayba guddo galay, waxaanay kulankii ugu horeeyey  la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo oo daaha dabadiisa ugu jira garab ka mid ah dhinacyada xisbigu u qaybsanyahay.




Kulankan ayaa waxa Madaxweynaha ku wehelinayay sida Gobanimonews xogaha ku heshay Wasiirro uu ka mid yahay Axmed Xaaji Cali Caddami oo ahaa guddoomiyihii Shir-guddoonka Xisbigu eeddey, kuwaasoo khilaafka abuuray.




WARANCADDEWasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo warbaahinta la hadlay gelinkii dambe ee Maanta ayaa sheegay in kulanka dhex maray Madaxweynaha iyo Guurtida dhexdhexaadinta wada uu ku dhamaaday is-afgarad iyo isfaham xal lagu gaadhi karo.




Inkastoonu wasiir  Waran-cadde sharaxaad ka bixin waxa laga wada hadlay ama Madaxweynuhu ogolaaday dhankiisa, hadana waxa uu xusay in soo afjarida khilaafkani bilowgii hore natiijo wanaagsan iftiiminayso, xalna la gaadhi karo.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/WARCAD.mp3"][/audio]




Shir ka baaqday kooxda Xukuumadda




Garabka Xukuumadda ee uu Wasiir Cadami hogaaminayo, ayaa baajiyay kulan ay maanta ku qaban lahaayeen Hudheelka Ambasador oo saldhig u ahaa Duulaankooda usbuucan oo dhan, kaasoo sida ay warbaahinta ugu yeedheen ay kaga jawaabi lahaayeen hadalo shalay ka soo yeedhay garabka Hogaanka Xisbiga.




Shirkaasi oo Warbaahinta laysugu yeedhay, ayaa baaqday kaddib markii Wasiirka Gaashaan-dhiga oo ka soo baxay shirka Madaxtooyada ee dhexdhexaadinta Guurtidu ka bilaabantay, wargelin cusub siiyay xubno Wasiirro ah iyo taabiciyiin la socday oo halkaasi ku diyaar garoobay.




Guurtida iyo Muuse Biixi




Guddida Guurtida ah ee dhexdhexaadinta ku foogan ayaan wali la kulmin  Guddoomiyaha Xisbiga iyo garabkiisa, wallow ay iyagu isu arkaan dulmenayaal laga gardaranyahay oo aan waxba diidanayn.




Sida ay Gobanimo u xaqiijiyeen ilo-wareedyo, waxa la filayaa inay caawa la kulmaan Guddoomiyaha iyo garabkiisa Guddida dhexdhexaadintu, inkasta oo aanay caddeyn xiliga iyo goobta lagu kulmayaa.




Laakiinse arrinta laysweydiinayaa waxay tahay qaabka lagu xalin karo khilaaf soo taxnaa muddo afar sannadood ah.




Dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in Golaha Guurtidu ay yihiin Hay’adda ugu wanaagsan xaga xalinta khilaafyada noocan.




“Somaliland waxay Adduunka dheertahay Xaaji Cabdi waraabe”sidaasi waxa aaminsan boqolkiiba konton ka mid ah dadka arrimaha siyaasadda ku foogan.




Guurti Xaaji Cabdi waraabe hogaaminayo




Guddida loo saaray xalinta khilaafkan ayaa waxa hogaaminaya Guddoomiyaha Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdiwaraabe).




Waxaanay dhinacyada ka dalbadeen inay joojiyaan eeddeymaha ay warbaahinta isu marinayaan iyo shirarka ay isku eeddeynayaan, taasoo ay dhinacyada ka dalbadeen.




Xaaji Cabdiwaraabe ayaa ah Odayga Somaliland, isla markaana ixtiraam balaadhan ay u hayaan dhamaan dhinacyada siyaasadda.




Sanadkan ayey ku guulaysteen koox uu hogaaminayaa muran culus oo ka dhex aloosmay Shirguddoonka Golaha Wakiillada, oo ay xukuumaddu fowdo ku soo dhex tuurtay.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: curad1986@hotmail.com