Wednesday, May 28, 2014

Taliyaha Ciidanka Milateriga Soomaaliya oo ka badbaaday iskuday dil


tALIYEMuqdisho(GNA)Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Daahir aaden Cilmi ayaa ka badbaaday iskuday ladoonayay in lagu qaarajiyo, kaddib markii ay Bombo la kacday Gaariga lagu waday oo ahaa noocan aanay xabaadu Karin, xili uu marayay agagaarka Wasaaradda Gaashaan-dhiga ee  magaalada Muqdisho.




Weerrarkan ayaa la sheegay inuu ka badbaaday Taliyuhu, waxaanu ka dhashay Miino waddada dhinaceeda la dhigay.




Ciidamada Somaaliya oo gacan ka helaya kuwa Midawga Afrika ayaa wada olole ka dhankan ah Malayshiyada Al-Shabaab, oo beryahan dambe weerrarooda gudaha Caasimada kordhiyay.




Weerarro hore




Dagaalyahano Alshabaab ka tirsan ayaa dhawr maalmood ka hor gudaha xarunta golaha Shacabka ka fuliyey weerrar, kaddib markii ay qarax la beegsadeen afaafka hore ee xaruntan.




Sidoo kale Shabaabku waxay shalay weerareen saldhig ciidan oo ku yaala gobolka Bakool ee Soomaliya halkaas oo ay ku dileen ciidamo badan oo Somali iyo Itoobiyaan isugu jira.




Magaaladda Muqdisho ayaa xarun u ah dawladda Federaalka Somaaliya.




Wasiirkii amniga ee dawladda ayaa todobaadkan isu casilay sababo la xidhiidha habacsanaanta dhanka amniga ee dalka ka jira.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com