Hargeysa (GNA) Sida Laga war qabo xukuumaddan uu hogaanka u hayo Siilaanyo ayaa waxay noqotay mid ka duwan xukuumadihii ka horeeyay ee dalkan taladiisa soo maray.
Muddada ay xukuumadan siilaanyo xilka haysa oo ah afar sanno ayaa waxa jirta inay xidhanyihiin guryo iyo gawaadhi ay dad muwaadiniin ahi si gaara u leeyihiin, oo ay xukuumadan siilaanyo ay awood ku haysato ama kula wareegtay hantidaa kala duwan si bilaa sharci ah.
Waxa haatan laga joogaa muddo shan bilood iyo badh markii ay xukuumadu qabsatay ee ay kula wareegtay sifo aan sharci ahayn wargeyska sharciga ku shaqeeya ee Hubaal
Waxa la ogyahay in baabuur uu leeyahay qof muwaadin ahi uu isna gacanta ugu jiro xukuumada oo ay sifo sharci la’aan ah ku haysato muddo gaadhaysa 2 sanadood iyada oon la garanayn sababta iyo halka uu yaalo hadda.
Waxa iyana muddo dhaweyd oo ku dhow laba bilood sidaas oo kale ay kula wareegtay xukuumadani wargeyska Haatuf si bilaa sharciya iyadoo dhinaca kalena xabsiga ku haysata laba kamida masuuliyiinta wargeyskan oo sharci daro iyo xaaraan ugu xidhan.
Xukuumaddan uu haysto siilaanyo ayaa waxa ay ku sifowday handadaada iyo la wareegida hantida gaarka ah ee muwaadinku leeyahay iyada oo aan wax sharciya u cuskanayn hantida ay muwaadinka kala wareegayso ee ay ku xidhanayso guryahooda iyo gawaadhidoodaba.
Dhanka kale Xukuumaddan uu haysto siilaanyo oo ku sifaysan mid danta guud ee ummadan ka dhaxeysa boobaysa iyada oo maamulkan siilaanyo uu isticmaalaayo nidaam ka duwan xukuumadihii hore kaas oo ah in xukuumadan siilaanyo ay reer ahaan isugu habar wacdeen boobka hantida dalka ee shacabku leeyahay iyada oo aad maanta ka arkayso heerka hanti boobku uu marayo, oo aad arkayso ilaa kuwii faamilka siilanyo ahaa ee uu kamid yahay inanka uu sodoga u yahay ee aan waliba dalka mansab ka hayn mashaariicda danta guud ah ee loo xidhayo iyo waliba awooda loo siiyay inuu waxkasta uu rabo uu ku qabsado.
Ka faa’idaysiga kursiga uu maanta siilaanyo dad gaara ugu faa’idaynayo ee hantida dalkan iyo dankan may noqon mid intaas uun ku kooban, balse waxay imika u gudubtay hantida uu muwaadinku gaarka u leeyahay, iyadoo aynu wada ognahay inay maanta guryo iyo baabuuri ay u xidhan yihiin maamulka siilaanyo gaar ahaan rag gaar ah oo ay isu reer ama faamil yihiin
Si kastaba ha ahaatee Waxani maaha wax dadka indhahoodu aanay arkayn, balse ay tahay wax lagu eegayo siilaanyo oo ahaa mid hore waxan oo kale uga qaylin jiray.