Wednesday, May 28, 2014

Taliyaha Militariga Somalia Oo Dil ka badbaaday


Muqdishi (GNA) Taliyaha ciidamada xoogga Soomaaliya Jeneral Daahir aaden Cilmi ayaa ka badbaaday iskuday ladoonayay in lagu dilo gudaha magaalada Muqdisho.




Gaariga masuulka oo qafilan ayey miino kula qaraxday meel u dhaw Wasaarada Difaaca, dalka Soomaaliya.




Wararka ayaa sheegaya inuu ku badbaaday gaarigiisa oo ah baabuurta celiya ama aysan karin rasaasta, qaraxa ayaana ka dhashay bam wadada dhinaceeda la dhigay.




Ciidamada Somaaliya oo gacan ka helaya kuwa Midawga Afrika ayaa wada olole ka dhankan ah Malayshiyada Al-Shabaab, oo maamusho inta badan koonfurta iyo badhtamaha dalka.




Shalay Shabaab ku waxaa ay weerareen saldhig ciidan oo ku yaala gobolka Bakool ee Soomaliya halkaas oo ay ku dileen ciidamo badan oo Somali iyo Itoobiyaan isugu jira.




Source: BBC