Wednesday, May 28, 2014

Sarkaal u shaqaynayay Turkish Airline oo Muqdisho lagu dilay


Madaxweyne Xasan Sheikh oo Dawladda Turkiga fariin u diray…




 Mogadishu, 28 April 2014-(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa Dawladda iyo Shacbiga Turkiga dhambaal tacsi ah  u diray,Geerida sarkaal u shaqaynayay Shirkadda Turkish Airline oo shalay lagu dilay Magaalada Muqdisho.




Dabley hubeysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa shalay gelinkii dambe toogasho ku dilay Sarkaalka u shaqaynayay Diayaarada Turkiga, kaddib markii ay rasaas huwiyeen isagoo wata gaadhi, xili uu marayay agagaarka Isgoyska KM4 ee degmada Hodan.




Dableyda ayaa gaadhi ka soo dhex riday xabadda, sida ay goob-joogeyaal warbaahinta u sheegeen, waxaanay wateen nimanka dilka geystay  gaari nooca NOAH-da  loo yaqaano ah.




Ma jirto cid sheegatay dilka Ninkan, waxaase jira warar sheegaya inuu dilay mid ka mid ah Engineerada Turkida ee qaa bilsan dhismaha wadooyinka Muqdisho.




Mawaadinka Turkishka ah oo magaciisa la yidhaahdo Saadetin Dongan, ayaa noqonaya qofkii labaad ee waddankaas u dhashay ee lagu dilo Magaalada Muqdisho sanadkan gudihiisa, waxaana horey qarax lala beegsaday safaaradda Turkiga ku dhintay mid ka mid ahaa Ilaalada.




Madaxweynaha oo amar bixiyay




Madaxweynaha Soomaaliya ayaa amar ku siiyey Hay’addaha ammaanka ee Gobolka inay baadhis ku sameeyaan dilkani siduu u dhacay iyo cidda ka dambeysay.




Xasan Sheikh Maxamuud ayaa yiri "Innaa Lillaahi Wa inaa Ilayhu Raajicuun, geeridu waa xaq, waxaana tacsi u dirayaa qoyskii, Shirkadda Diyaaradaha ee Turkiga, Dowladda iyo shacabka Turkiga iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Marxuum Saadetin Dongan oo ka mid ahaa shaqaalaha Diyaaradda Turkiga (Turkish Airlines) una jooga Soomaaliya si uu ugu adeego shacabka Soomaaliyeed. Samir iyo Iimaan EEBBE ha naga wada siiyo, isagana Janaddii fardowsa ALLAHA ka waraabiyo. AAMIIN."




 “Kooxaha nabad-diidka marnaba kuma guuleysanayaan argagaxa iyo dilalka qorsheysan oo ay la beegsanayaan shaqsiyaadka u adeegaya danaha shacabka iyo tan dalka ayuu Madaweynuhu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.




Shaqaalaha Shirkadda Turkiga




Shaqaale tiro badan oo Turkish ah ayaa ku sugan Gudaha Magaalada Muqdisho kuwaasoo ka hawl-gala Hay’addo kala duwan oo Mashaariic horumarineed ka wada dalka.




Turkiga ayaa mashaariicda ugu badan Soomaaliya ka wada, waxaanu ka mid yahay tiro dawladdo ficil u bedelay wax u qabashada Bulshada Soomaaliyeed ee tabaalaysan.




Shaqaalaha Turkiga ayaa iyagoo gawaari wata si caadi ah  isaga mushaaxa Muqdisho, iyadoo aan wax ilaalo wadan, halka kuwa kalena ay ilaalo heystaan, waxayna si aan cabsi ku jirin uga dukaameystaan goobaha ganacsiga.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com