Friday, May 30, 2014

Masar iyo Madaxweyne kale oo Milateri ah


Hogaamiyihii horee e Maletriga Masar Cabdifitaax Alsisi ayaa la sheegay inuu siweyn ugu guuleystay doorashadii Madaxtinimada ee  dalka Masar, marka loo eego sida ay muujinayaan natiijooyiinka hordhaca ah.




Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Alsisi uu helay 90 boqolkiiba codadkii la dhiibtay oo aad u yar marka la eego tirada dadka reer Masar.




Si kastaba, dadka soo baxay ee codkooda dhiibtay oo tiradooda ay aad u yareyd ayaa lagu qiyaasay boqolkiiba 45.




Dadka ayaa la sheegay in cadaadis lagu saaray inay doorashada u soo baxaan.




Guusha Cabdifitaax Alsisi weli shaki ma’uusan galin, wuxuuna taageero weyn ka haystay dadka dhiibtay codadkooda.




Maamulka doorashada dalka Masar ayaa aad uga walaacay, dadaal bandanna geliyay in dadka ay soo baxaan si sare loogu qaado tirada dadka codkooda dhiibtay, si hannaanka uu u noqdo mid lagu kalsoonaan karo.




Lakiin, inkastoo dadka fasax ay ku jireen, maalin dheeraad ahna lagu daray xilliga codeynta,  gawaarida dad weynaha iyo tareenadana laga dhigay lacag la’aan, ma aysan buuxsamin xarumihii codeynta.




Waxaa jirta diidmo weyn oo ka imaaneyso kooxaha ay ka mid yihiin ururka lamanuucay ee Ikhwaanul muslimiin, iyo kuwa qunyar socodka ah oo ka careynsan sida loola dhaqmay mucaaradka.




Madaxweynaha cusub ee dalka Masar waxa uu la kulmi doonaan caqabado ay ka mid yihiin, dhaqaalaha dalka oo aad hoos ugu dhacay, muqaawameyn yaryar oo kooxo kaga timaado iyo dal aad u kala qeybsamay.




Waxaana dhaawacweyn ku noqday tirada dadka u soobaxay doorashada ee codeeyay, ka hor intauusan shaqadiisa billaabin.




Goor sii horaysay ayaa Sisi waxa uu wacad ku maray, inuu tir tiri doono Ururka ikwaanu Muslimiinka oo ka soo horjeeda hogaamintiisa Masar, ayna ka wada tirsanaayeen Madaxweynihii uu inqilaabay ee Maxamed Mursi oo xabsi guri ku jira.




Go’aanka uu qaatay ayaa waasiiyey Taageero badan oo uu ka heli lahaa dadka Masaarid ah ee aan taageerada cad siinin Ikhwaanka balse hoosta kala dhacsan hogaamintoodii.




Waxa aad uga taageero badan ayaa la odhan karaa Madaxweynihii uu inqilaabay ee Mursi oo Taageero miisaan leh ku soo baxay doorashadii waddankaas ka dhacday laba sanadood iyo bar ka hor.




Ikhwaanu Muslmiinku waa Urur diimeed oo jiray Taariikh dheer, adduunkana saameyn balaadhan ku leh.




Way adagtahay inuu fuliyo iska daaye inuu ku fekero waan madnuucayaa, taasoo ah arrin xaqiijnteedu ay adagtahay.