Thursday, May 29, 2014

Qaraxa Hargeysa: Sheeko dhamaystiran oo ku saabsan goobta la qarxiyay + sawiro


Baaxadda qarax meello fog-fog laga maqlayey iyo raadadka ka muuqda goobta uu ka dhacay isma laha!!!wariye goobta tegay




qof kasta oo goobta tagaa kuma qanci karo miisaanka dhacdada iyo raadadka muuqda...




Hargeysa(GNA)-Daryanka Qarax xooggan oo meelo fog fog laga maqlayey ka dhacay Magaalada Hargeysa, caawa abaaro 12:10-kii saacadda Geeska Afrika.




Walax loo maleynayo Bomb Gacan ku samays ah ayaa ka qaraxday Isgoyska Fooqa ilmo Seeraar ee u dhexeeya Isgoyska Togdheer iyo Cisbitaalka Guud, halkaasoo sida la sheegay ah  meel Laagta biyo mareenka ah oo, khaasatan barta ay ka leexato Laamiga guriga Shaqaalaha. DSC03182 DSC03183   




Wariye goobta gaadhay .




Sodon daqiiqo kaddib markii qaraxu dhacay ayaan gaadhay goobta.




Waxaan soo maray Laamiga dheer ee ka yimaada xaga suuqa, dad badan ayaa laamiga Hareereheeda taagtaagnaa, kuwaasoo laga dareemayey inay shoogsanyihiin ama wali sii naxsanyihiin.




Askar ayaa Isgoyska togdheer oo aan soo maray si caadi ah Baabuurta ugu baadhayay.DSC03187




“halkan qaadka lagu iibinayo ayaan fadhiyey, wax Gidaarka Guriga ayaa  nala gariiray, ur qadhmuun oo Baruud ah ayaa noo urayey”sidaas waxa Gobanimo u sheegay xamse oo ku sugnaa meel 50 talaabo u jirta meesha la leeyahay qaraxbaa ka dhacay.DSC03181




Goobta lafteeda




Gaadhi Xaajiyad ah oo bilaysku leeyahay iyo Kolanyo askar ah ayaa goobta ku sugnaa, kuwaasoo baadhis ku samaynayay laagta, baabuurtana halkaa ku baadhayay.




Meesha la leeyahay qaraxbaa ka dhacay ee askartu baadhaysa, waa meel gudaha laagta ah.DSC03185




Xaga Bariga waxa ka xiga dhisme aqaladdii hore ah, dhanka Galbeedka waa Laamiga Shaqaalaha qabata, dhinaca Waqooyina waxa ka mara waddada cisbitaalka dabadiisa marta.




“Halkaa laagta ayuu ka dhacay, cidna waxba kumay noqon, anagoo hurudna ayaanu ku toosnay, aadbaanu u naxnay”sidaas waxa sheegay Koox dhalinyaro ah oo hor tubnaa guri ku qabsan meesha lagu sheegay in wax ka qarxeen.




Dhamaan Guryaha ku dhadhow ayaa dadku dibada u soo baxeen , iyagoo argagax iyo cabsi darteed qaarkood dib ugu laaban kari waayay guryaha, hadana marka la eego dareenkoodu wuxuu ahaa mid iska caadiya oo degenaanshiyo laga dareemayo.




Meeshu waa aag Madow oo aan laydh badan lahayn xaga koonfurta waxa ka soo eegaya Dhisme ay leedahay Shirkadda Deero oo dhabarka ku haya Guryo ka mid ah Hindiya lineka, waxaanu aagaasi ahaa mid cidlo ah oo aan wax dad ahi ka soo muuqan.




Waxaan isku dayey inaan Sawirro ka qaadno goobta oo aan wax raad ah iyo astaamo muujinaya inay qarax ka dhacay lagu arkayn, inkasta oo aan wax badan laga arkayn gudaha laagta Dhir iyo qashin bandanna yaalay.




Qiiq iyo raad kale toona kamuu muuqan goobtan, laakiinse urta wax la mooddo baaruud ayaa Aagga oo dhan ka urayay.




Xabad ayaa ka dhacday meel dhinaca Koonfur bari kaga beegan meesha wax ka dhaceen intii aan ku sugnaa.




“maan arkayn cid la qabtay anigu intii aan dibada u soo baxnay”sidaas waxa sheegay qof goob-jooge ah.




Askar ayaan kula kulmay goobta, kuwaasoo I weydiiyay waxa aan meesha ka qabanayo.




 “waar meesha ma furaa kaaga lumay sidayada?”sidaas waxa i weydiiyey mid ka mid ah Dhawr Askari oo qaarkood luuq madow ku jireen.




Askarta ayaa baadhay Shandad aan degta ku sitay, waxaanan tusay aqoonsigayga Suxufinimo.




Gaadhi kale oo xaajiyad ah oo Bilaysku leeyihiin ayaa goobta soo gaadhay, taasoo saraakiishii la socday aanay wax cusub sheegin, balse markii dhinaca Galbeedka u dhaafay goobta aan ku sugnayn.




“waar caawa annagaabay wadnaha nagu dhufteene, mooji meel wax ka dhaceen, waadigaa arkaya”sidaas waxa ii sheegay mid ka mid ah Askarta.




Dadweynaha oo Jahawareersan




Dad badan ayaa meelo kala duwan oo gudaha Magaalada nagala soo xidhiidhay, kuwaasoo sheegay inay maqlayeen “Qarax aad u weynbuu ahaa walaahi waxan ka maqlayay New hargeysa”sidaas waxa yidhi  Khadar.




Xaafadaha Kilalka Shanaad, Sheedaha iyo jig-jiga yar ayaa dhamaantood laga maqlayay.




“Siligga ayaa nagu soo daadan gaadhay, ciidda gurigu way nagu soo daadatay”sidaas waxa sheegay Qof degen guri u muuqda goobta qaraxu ka dhacay.




Dhacdo ugub ah




Dhacdo ugub ah qaraxyo ka dhacay Hargeysa tobankii sanadood ee ugu dambeeyay , laakiinse waxay curad u tahay xukuumadda talada haysaa intii ay xukunka haysay.DSC03186




29 October sanadkii 2008-dii, ayaa saddex qarax oo waaweyn laga eegtay Aqalka Madaxtooyada, xarunta UNDP ee Hargeysa iyo Safaaradda Ethiopia ee Hargeysa , waxaana ku dhintay qaraxaas dad ka badan labaateenyo ruux, kuwo kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo.




Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaas oo ahaa kii ugu weynaa ee argagixisanimo ee Hargeysa laga fuliyay, intii ay kooxaha is miidaamiyaa ku soo kordheen Gobolka.




Qaraxyo kale oo loo adeegsaday walxo gacan ku samays ah, ayaa iyaguna xiligaas ka dhacay magaalada, kuwaasoo aan iyagu waxyeelo badan geysan.




“waxan caawa qarxay waa sheekadii berigii hore ayuunbaa malaha dib loo soo cusboonaysiiyey, ee sheeko shaanadi ahayd”sidaas waxa Gobanimonews u sheegay mawaadin dhacdadan sawir ka bixinayey.




Si kastaba ha ahaatee dhacdadan ayaanay ilaa hada ka hadal laamaha Ammaanka ee Caasimada iyo Gobolku toona.




Waxaanu ku soo beegmay xili ay dalka ka taagantahay xiisad siyaasaddeed oo ka dhex aloosnayd muddooyinkan dambe xisbiga talada haya ee Kulmiye.




Taasoo sababbo xidhiidh la leh iyo foojignaan kale ammaanka Caasimadda aad loo adkeeyey.DSC03184




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com