Tuesday, May 27, 2014

Mudug: Carruur ku dhimatay Miino ku qaraxday


???????????????????????????????Balan-bale(GNA)-Ugu yaraan hal qof oo caruur ah ayaa  dhintay, laba kalena waxa ka soo gaaray dhaawacyo, kaddib miino la kacday Koox Caruur ah oo Kubad ciyaareyey, degmada Balanbale ee Gobolka Galmudug.




Degmada Balanbale ayaa ku taala Xudduudka Somalia iyo Ethiopia, waxaana ku badan hadhaaga hubkii laysu adeegsaday Dagaalkii 1977-kii, sida laga soo xigtay dadka deegaanka ku dhaqan oo aaminsan inay walxo badan oo Dhulka ku aasmay ku jiraan agagaarka Magaalada iyo meelaha miyiga ah.




Goob joogayaal ayaa sheegaya in carruurta dhimashada iyo dhaawacu ka soo gaaray qaraxaas ay ka yimaadeen dugsi lagu barto Qur’aanka.




Warku wuxuu intaas ku darayaa in Carruurta dhaawacyadu soo gaareen loola soo cararay Cisbitaalka Magaalada Gaalkacayo si halkaasi loogula tacaalo xaaladdooda caafimaad oo aad u culus sida la wariyay.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada oo la xidhiidha dhacdadan oo argagax badan abuurtay.




Horey ayaa miinooyin iyo walxo kale u waxyeeleen dad reer Guuraa ah Degmada iyo nawaaxigeeda.




Haraaga  Miinooyinka iyo Bombooyinka ka haray dagaaladdii Sokeeye iyo kuwo wakhti hore dhacay ayaa halis ku haya dadka iyo duunyada deegaamo badan oo ka mid ah dalka ay dagaaladda ehliga ah iyo kuwa siyaasaddeed la dageen 23-kii sanaddood ee u dambeeyay.




Ka sifeynta dalka  Miinada iyo walxaha kale ee halista ah ayaan wali fursad la siin, sababo dhanka dawlad la’aanta ah.




Gobanimonews




Gaalkacayo Office




Email: editor@gobanimonews.com