Wednesday, May 28, 2014

Isuduwaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha Gobalka Saraar Oo Sheegay Cuduro Ku Dhacay Xoolaha Gobolkaas & Wasaarada Xoolaha Oo Wax Daryeela Kagaysan

Caynaba (GNA)-Isuduwaha wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland ee gobalka Saraar Cismaan Abokor, ayaa sheegay in xanuuno ay ku dhaceen xoolaha gobalkaasi Saraar xanuuno kala duwan ay ku dhaceen oo ay ka mid yihiin cudurada Sambabka iyo Kudka. Isuduwaha wasaarada xanaanada xoolaha gobalka Saraar Cismaan Abokor, waxa uu cadeeyay muddo 4 sanno wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland waxa wada shaqayna layeelan howlna ka fulin gobolka, waxaanu dacwad ka dhan ah wasiirk xanaanada xoolaha Somaliland u diray madaxwaynaha Somaliland. Waxaanu hadalkiisa ugu horey ku bilaabayaa,
“xafiiska gobolka gaadiid ay haystaan majirto, xoolaha xanuuno badan ayaa ku dhaca xanuunka Sambabka oo ku dhaca, cudurka DPR-ka, Kudka ayaa ku dhaca xanuuno faro badan baa ku dhaca”.ayuu yidhi Cismaan Abokor, waxaanu intaas kudaray, isagoo sharaxaya duruufaha howlahoda ku gadaaman. “Aniga iyo shaqaalahaygu muddo afar sanadooda gobolkan isaga ah ee Saraar layidhaahdo wax shaqaale ah oo laga qoray majirto iskaa u shaqee xaalkayagu weeyan, markaa haday madaxwaynaha tahay madaxwaynaha waan ku socodsiinayaa wasiirka xanaanada xoolaha wax daryeel ah oo uu gobolkan u qabtay majirto, 1o jeer ayaa tagay Hargeysa mar walba arrintan waa kalahadalay shaqaalaha waan kala hadlay shakhsiyankayga waan kala hadalay marna dhag uu ii jalaqsiiyay majirto”.
Isuduwaha wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland ee gobalka Saraar Cismaan Abokor, waxa xusay in safarkiisii iugu dambeeyay 25 malmood Hargeysa u joogay sidii uu ula kulmi lahaa wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland balse u suurto galiwayday xoghaynta wasiirka oo ka horjoogsatay owgeeg, waxaanu yidhi
“hadda 25 cisho ayaa joogay Hargeysa. 25-kaa cishaba waan sugayay markaan xafiiska is yidhaahdo garaac oo lahadal xoghaytu waxay odhanaysaa laguma sii daynayo. Waxaan leenahay arrintaa iyada ah deg deg jawaab hanalooga siiyo”.