Wuxuu Xilka ku waayay Taageero uu siiyay Muuse Biixi iyo Hogaanka Kulmiye
Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa eryey Wasiirkiisii Ganacsiga Maxamed Cabdilaahi Cumar oo hore u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada.
Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa ka mid ahaa Shir-guddoonka shirweynihii 3-aad ee Kulmiye , balse ka falaagoobay xubnaha xukuumaddu wadato ee Golaha dhexe ku dhawaaqay.
Warsaxaafaddeed ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Wasiirka xilka laga qaaday, laguna bedelay siyaasi ay isku gobol ka soo jeedaan oo magaciisa la yidhaahdo Dr. Muuse Qaasim Cumar.
Digreetada ayaa u dhignayd sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2516/052014 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah, isla markaana waxa uu madaxweynuhu wasaaradda u magacaabay Wasiir Cusub.
Ujeedo: Xil-ka Qaadis
Ku: Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar,
Wasiirkii Hore ee W. Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah
Mudane,
Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Dr. Muuse Qaasim Cumar, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.
Magacaabid
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee JSL;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Dr. Muuse Qaasim Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Xiisad siyaasaddeed oo cirka isku sii shareertay
Eriga Wasiir Cumar, ayaa muujinaysa dagaal siyaasaddeed oo cad oo uu Madaxweyne Siilaanyo kula kacayo siyaasiyiinta u xaglinaya dhinaca Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye.
Wasiirka la eryay ayaa ka maqnaa shirarkii ay labadii maalmood ee la soo dhaafay qabteen Shir-guddoonka uu ka falaagoobay.
Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa ku dooddaya inay tani badheedh cad oo Madaxweynuhu ku kacay ay tahay.
Madaxtooyada Somaliland ayaa Khamiistii soo saartay Liiska Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo Guddida fulinta oo ay Taageerayaasheedu ku badanyihiin.
Talaabadaas ayaa sababtay in Khilaaf ka dhex qarxo Madaxtooyada iyo Hogaanka Xisbiga.
Labada dhinac ayaa ku loolamaya inay xubnaha golaha dhexe ku kala awood yeeshaan si uu midba midka kale u muquuniyo Shirka lagu dooranayo Musharixiinta Xisbiga.
Loolanka ayaa soo socday muddo dhawr bilood ah oo hadba waji isu bedelaya.
“sheekaddani waxay noqonaysaa in Kulmiye Burburo iyo inay isu tanaasulaan dhinacyadu”sidaasi waxa Gobanimonews u xaqiijiyay mid ka mid ah dadka arrimaha siyaasadda ka faallooda.
Xil ka qaadista ayaa ku soo beegmaysa xili caawa Shir uga socdo Hudheelka MAANSOOR ee Magaalada Hargeysa, siyaasiyiin iyo Aqoonyahano ka soo jeedda Deegaanka Guddoomiyaha Kulmiye iyo Wasiirka la eryay, kaasoo waxyaabaha lagaga wada hadlay si weyn isha loogu hayo.
“Shirkaas caawa ayuu dhacay, waxaana ka qayb galay dad badan oo syaasadda saameyn ku leh”sidaasi waxa Gobanimo u sheegay Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah dadka arrimahan ku foogan.
Shir-guddoonka Xisbiga Kulmiye ee Xukuumaddu wadato, ayaa Maanta sheegay inaanu Wasiirku ka falaagoobin, balse uu kaga mashquulay hawlo shaqo “Wasiirkii Ganacsigu wuxuu ku maqanyahay kaga cudur daartay Shirkan, kulan uu la leeyahay Madax Baanka adduunka ka socda”sidaas waxa GNA u sheegay Wasiirka Gaashaan dhiga.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com