Thursday, May 29, 2014

Wasiir Xirsi: Muuse Biixi xaqbuu u leeyahay inuu Madaxweyne isu sharaxo"Dhegeyso


Wasiir Xirsi"Anigu waxaan taageersanahay Madaxweynaha, isagaana Musharax ii ah"




Golaha Wasiirrada Al-shabaab kuma jiraan, cidii ku eeddeysayna iyadaa caddeyn doonta"




Wasiir Xirsi iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay.Hoos ka dhegeyso
 




vlcsnap-2014-05-30-07h04m59s105Hargeysa(GNA)-Wefti uu hogaaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, ayaa dib ugu soo laabtay dalka, kaddib markii ay soo dhamaysteen socdaal ay ugu maqnaayeen dalka Maraykanka iyo Waqooyiga Amerika, halkasoo ay kaga qayb galeen xuska sanad guuradii 2-aad ee mdaxbanaanida Somaliland ee 18 May, markii dambena ay ka bilaabeen qaadhaan Uruurin ku aadan dhismaha wadada Ceerigaabo.




Weftigan oo ka kooban Wasiirka Madaxtooyada, Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada iyo laba xubnood oo ka mid ah Guddida Waddada Ceerigaabo, ayaa lagu soo dhaweeyay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen xubno ka kala socday golleyaasha Qaranka , Madaxdhaqameedyo iyo dad weyne kale oo tiro badan.




Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada oo Warbaahinta kula hadlay Qolka Nasashada ee Madaarka, ayaa ka waramay waxyaabihii uga soo qabsoomay safarkooda.  vlcsnap-2014-05-30-07h05m40s8




“Jaaliyadda Waqooyiga Amerika, waxaan ku amaanayaa waa dad shaqaysta oo runtii jecel inay dalkooda wax gashadaan, waxay ku deeqeen lacag Lix boqol iyo todobaadkan kun oo Dollar ah ($670,000) gaadhaysa oo waxna ay bixiyeen waxna ay balan qaadeen”sidaas waxa Saxaafadda u sheegay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.vlcsnap-2014-05-30-07h04m41s162




Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo hadlay ayaa u mahad naqay dhamaan Jaaliyadda Somaliland ee ay dibadaha kula kulmeen, waxaanu sheegay inay si wanaagsan oo gobanimo leh u soo dhaweeyeen.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Weftigii-Wasiir-Xirsi-Hogaaminaayey-oo-Dalka-ku-soo-noqday-Maanta-.mp3"][/audio]




Weftigan ayaa dalka ka dhoofay badhtmihii bishan may dhawr Maalmood ka hor Maalintii dalka iyo dunida laga xusay gooni-isutaaga Somaliland.




 Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com