Monday, May 26, 2014

Saylici: Muuse iyo Maxamed Kaahin waxay ka soo gudbeen wixii Xisbigu ku heshiiyey"Daawo


SaylicidGarabka Xukuumadda ee Xisbiga talada haya oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa mar kale hadlay, waxaanay gaashaanka ku dhufteen go'aanka ka soo baxay hogaanka Xisbigaasi ee la xidhiidha magacaabista Guddida fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbiga.




Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay shaaciyay 36 Xubnood oo ka kooban Guddida fulinta ee Xisbiga, kuwaasoo ay ka maqanyihiin Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo heshiis lagu galay in Guddida fulinta lagu daro iyo Madaxweyne Siilaanyo.




Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi, ayaa shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Hargeysa Maanta.




Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Saylici oo shirkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in hogaanka Xisbigoodu ka soo gudbay wixii xisbigu ku heshiiyay iyo shuruucdii lagu meel mariyay Shirweynihii Xisbiga, isla markaana garabkoodu ay ku taaganyihiin dariiqa sharciga ah.




Halkan ka Daawo:


M