Sunday, May 25, 2014

Madaxweyne Xasan Sheikh oo soo gaabiyey Safar uu ku tegay K/Afrika.Dhegeyso


“Shacbiga Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in saacadaha soo socda Isbedel dhici doono…”Dhegeyso




Daawo: Wasiirkii Amniga Qaranka oo Iscasilay. iyo dareenna muujiyay




XasandshJohannesburg(GNA)- Madaxweynah Somalia ayaa soo gaabiyay Socdaal uu ku tegay dalka Koonfur Afrika, kaddib weerar argagixiso oo lagu qaaday xarunta Baarlamanka Dawladda ee Muqdisho.




Xasan Sheikh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay weerrarkan, waxaanu ku tilmaamay mid cadowtinimo ay nabad-diidku ugu muujinaysaa dalka iyo dadka Somaliyeed.




Madaxweynaha ayaa intaas ku daray inuu Saacaddaha soo socda isbedel deg deg ah dhacayo, kaasoo wax looga qabanayo amniga iyo kala dambeynta.




Alshabaab ayaa sheegatay weerarka Baarlamanka oo ilaa hada inta la ogyahay Askar tobaneeyo gaadhaysaa ku dhimatay, saddex Xildhibaan in ka badana ku dhaawacmeen.




Shir-jaraa’id oo uu gelinkii dambe ee Maanta ku qabtay Hudheelka uu ka degenyahay Magaalada Caasimada u ah dalka Koonfur afrika ayuu ku sheegay “dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa inay saacaddaha soo socda Isbedel dhici doona, isbedel muuqda oo wax ka bedeli doona xaalada amniga”ayuu yidhi.




Madaxweynaha ayaa intaas ku daray “arroorta subax waan soo baxayaa waxaanan ku soo laabanayaa dalka xaaladan awgeed”ayuu yidhi.




“Dawladda Federaalku waxay ku dedaali doontaa sidii ay ula tacaali lahayd Xildhibaanada iyo Askarta ku dhaawacantay Weerarkaas”ayuu hadalkiisa raaciyey.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Cod-Madaxweyne-Xasan-Sheekh.mp3"][/audio]




Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa lagu eeddeynayaa inay dawladdiisu ku fashilantay sugida ammaanka dalka, khaasatan Caasimada oo ay haatan ku soo badanayaan weerarrada alshabaab.




Habacsanaan dhanka Hay’addaha amni ah ayaa loo aanaynayaa inay sabab u yihiin arrintan, taasoo ay Al-shabaab fursad ka heshay.




Wasiirkii Amniga oo Iscasilay hoos ka daawo




Wasiirkii Amniga Qaranka ee dawladda ayaa iscasilay saacaddo ka dib weerrarkan Maanta.




Halkan ka Daawo: