Tuesday, May 27, 2014

Askar Kenyaan ah oo lagu laayey Xadka Soomaaliya


askari-618x463Lamu(GNA)-Askar katirsan ciidamada dowlada Kenya ayaa  la soo sheegay in subaxnimadi hore ee maanta lagu diley weerar ka dhacey magalada Lamu oo kutala xadka somaliya iyo kenya .




Sarkaal u hadley ciidamada kenya oo lagu magacaabo samuel obara ayaa warbahinta u xaqijiyey in weerar ka dhacey xadka ay wadagaan kenya iyo somaliya lagu diley labo askari oo ka tirsan ciidamada dowlada kenya .




Askartan la diley ayaa lagu diley werar gaadmo ah xili ay sahay cunto u sideen saldhig ciidamada ay ku leyahiin deegaanada raaskanbooni ee jubada hoose .




Werarkan ayaa la sheegay inay gaysten ciidamo katirsan ururka alshabaab tiradoduna dhan tahay 10 nin.




Todobaadkii hore ayaa askar Kenyati ah lagu dilay weerar kale oo ka dhacay meel u dhow Degmada Mandheera oo xadka ku dhow.




Alshabaab ayaa dhawaan sheegay inay dagaalkooda Gobolka ku fidinayaan wadamada bariga Afrika.




Ciidamada Kenya ayaa deegaamo ku yaala Gobollada Koonfurka ka saaray Al-shabaab, kaddib markii ay sanad ka hor ku soo biireen hawl-galka AMISOM.




Abdirahmaan buurdhaab




Gobanimonews




Kitale/ Kenya Office