Sunday, May 25, 2014

Wasiirkii Amniga Xukuumadda Somalia Oo Is Casilay


Muqdisho (GNA) Wasiirkii Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa Caawo Iscasilay, Gebi ahaana faarujiyay Xilkii Wasiirnimo ee uu ka hayay Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.




W Amniga MuqdishoC/Kariin Xuseen Guuleed Wasiirkii Amniga Xukuumadda ayaa goordhow oo caawa ah sheegtay sida uu uga xun yahay Qaraxyadii iyo Weeraradii Qorsheysnaa ee dagaalamayaasha Alshabab ku qaadeen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaaladda Muqdisho.




Wasiirka ayaa tibaaxay inuu ku fashilmay howlihii loo idmadey ee ahaa Xaqiijinta Amniga dalka, Isagoo sheegtay in gebi ahaanba uusan awoodin inuu u babac dhigo weerarada isdaba jooga ah ee ay soo maleegayeen kooxda dhawaangalka ku ah Ururka Alqaceda ee Alshabab.




C/Kariin Xuseen ayaa xusay in Waqtigii Isbadalka la joogo, Isagoo eedeyn balaaran dusha ka huwiyay hey’adaha amniga oo uu tilmaamay in Fashilka Isaga soo wajahay iyo weji kabaxan ay hey’adaha amniga iyo Saraakiisha ciidanku wax ka maleegeen.




Si kastaba waa Wasiirkii ugu horeeyay ee Xukuumadda Reysulwasaare C/Weli oo iscasilay Xilli Barlamaanku ay xagxagasho badan ku hayeen Wasiiradda Xukuumadda oo ay ku eedeyeen Waxqabad Xilli maanta dagaalyahanada Shabab ay Xildhibaanada tuseen Waxqabadka Liita ee Xukuumadda iyo hey’adaha Amniga.