Tuesday, May 27, 2014

Kal-laxiiba baan leeyahay, iyo laabta xuunshada'e!


By: Faysal Cumar Madar (qumuj81@hotmail.com)




fayslIyadoo aynu ku jirno maalmihii kharka iyo nimcada diinteena suuban laynoogu soo dhiibay nabigeenii suubanaa (CSW), Ayaa buuq siyaasadeed dalkii jaha wareer ku riday, anigoo mustaqbalka aaminsan in dalkani marna dumayn, ilaahayna mahad uga calinaya.




 Iyadoo dhawaantan warwanaagsan laga sheegayn geeska ayaa xukumadeenii ku mashquulsan tahay siday iskaga celinlahaayeen hogaankii xisbigoodii KULMIYE, “ilahaaw na ilaali sidaad horeba noogu dhawratay qarankayaga ugbaadka ah”.




 waxa dhawaantan shicibkii walaac galiyay in dalku dumo iyagoo uga cabsi qaba xukumadii ay mustaqbalkooda ku aamineen , oo ay yidhaahdaan waar ma laga yabaa nimankaasi iyagoo KULMIYE kala jiidanaya in dalkaasi dumo! “Cajaaib waar ma bisadii dhasheeda laga ilaalinayaa xukumada SIILAANYO”.




 Waxaan xasuustay xiligii xisbigii UDUB isburburinayay oo aan katirsanaan jiray tageerayaashiisii ayaa waxan islahaa malaha ragii UDUB go’aan nin qaato kii adkaa oo ahaa guuldaro, aqbalay dumin maayaan xisbigoodii,Waxa Maanta wadadii Ina Riyaale kumaarayn kari waayay UDUB maraya Madaxweyne Siilaanyo.




 Is-Hurinta KULMIYE Waxa ugu danbeeyay koox wasiiro ah oo Madax-weyne Xiguhu horkacayo oo isku raacay talo aykaga midaysan yihiin Hogaanka xisbi-xaakimka, iyagoo qiraya in uu sifiican udhacay shirweynihii xisbiga ee lagu doortay Hogaankan ay durayaan, iyo iyagoo kalsooni daro ka muujinaya xeerarkii iyodastuurkii xisbigooda oo u yaacaya XEER NO: 14, oo aan islahaa malaha lama gaadhin xiligii la isticmaali lahaa oo ah xiliga uu kala saari waayo Dastuurka Kulmiye.




 Waxa kale oo ay guruubkan wasiirada ahi ku doodayeen in ay Hogaanka xisbigu Ku haysto Meesha Odayga qaranka haga (ilaahaybaa wax hagee), oo ay muujinayaan in ay iyagu odayga difaacayaan oo ay jacayl ay u qabaan ka hadlinayo, inkastoon usoo jeedinlahaa anigu waar Odaygu imika waxa uu joogaa xiligii uu Jalka u baahnaa iyo in uu cibaadadiisa ilaashado ee hadaad ka naxaysaan malah masaajid meel ku dhaw iyo in aad dardaaran laga gunto kula talisaan ayay ahayd.




Dhawaantan oo dalka rajooyin fiicani ifayeen, ayaad moodaa in xukumadani noqotay sidii Ninkii ri’da lahaa ee uga taag waayay inay isjaqdo,maalintii danbuu go’aanku gaadhay in uu gabigeedaba iibiyo oo saylada geeyo,wuxuu ilahay ka baryaba in aanay isjiqin inta laga iibsanayo ayaa,dilaalkii gacanta u dhiibay laheshii oo lajar qiimihii, iyadoon lacagtii lakala qaadan ayay ri’dii oo isjaqaysa la arkay deedna waxa halkii lagaga noqdo iibkii ri’da.




 Hadaba bulshada roolkeedii ayaan isleeyahay wuu maqan yahay, waayo dalku wuxuu in yar u jiraa in uu is-jaqo sida Ridaa aan soo sheegay, waxa u banan shicibku in raygooda cabiraan oo mudaharaado iyo kulano ku muujiyaa, laakiin maaha in ay isku canaantaan codayntii ay u codeeyeen Madaxweyne siilaanyo.




Sidii marxuumkii Abwaankii Maxamed Nuur Fadal tixdii Lib-gad: “Nimankaan lo'daydii casayd, laanta ugu duugey.




 Wax la liqiyo xoolaba kuwaan, ugu laxaad yeelay




 Ee aan lacagta jeebka ugu guray, lohonlohii caydha




 Hadday aniga leebkiyo warmaha, ii lisanayaane




Markuu sida luwaha (Luo) qaawanaa ee, leylka soconaayey




Ee aad luquska qoodhaha dameer, lulaya moodeysey




 Haddii aan lingaxo oo qalbiga, lahashada u diido




 Oo aanan luunkaba ka rogin, lur ima gaadheene




Kal-laxiiba baan leeyahay, iyo laabta xuunshada'e




 Laxowsiga xigtada lay geshiyo, libiqsigaan eeday




 Waa waxa rag igu laacayaa, laxam dhaqaaqaaye




Inkastay ladaadyada baruur, laqanyo daacayso




 Leg ninkii siiyey dishaa, liidda doqoneede.