Thursday, May 1, 2014

Hambalyo KULMIYE u dirayo shaqaalaha Somaliland‏


Ku:   Saxaafadda




Ujeeddo: Hambalyo




 




Hambalyo KULMIYE u dirayo shaqaalaha Somaliland‏




 




Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo ka dhammaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shaqaale waynaha Jamhuuriyadda Somaliland munaasibadda maalinta caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka awgeed oo ku beegan 1-da bisha May 2014.




 




Guddoomiyuhu waxa uu u rajaynayaa shaqaalaha reer Somaliland inay sannadka kiisa kale ku gaadhaan caafimaad iyo horumar.




 




ALLA MAHAD LEH




 




Xasan Siciid Yuusuf




Xoghayha Guud ee Xisbiga KULMIYE