Friday, October 25, 2013

SOM: Xukuumadda oo Dib u kicinaysa Boostii Dawladda iyo Wasiirrada oo ka shiraya Miisaaniyadda 2014


Muqdisho(GNA)-Shirka Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda federaalka Somaliya ee Khamiistii Maanta ayaa lagaga dooday dhawr qodob oo ku saabsan hawlaha xukuumadda u yaala iyo qorshaha Miisaaniyadda 2014-kii, sida lagu sheegay Warbixin uu soo saaray Afhayeenka xukuumaddu.




Kulankan Maanta oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa arrimaha looga hadlay wax aka mid ah budh-cad badeedda hir-gelinta Boosta dawladda iyo arinta miisaaniyada oo ugu muhiimsanayd qodobada laga dooday.




Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in  goluhu ay ka doodeen in la kordhiyo Miisaaniyadda dawladda, si loo xoojiyo waxqabadka hay’addaha dawladda ee sanadka soo socda.




Afhayeenka ayaa Warbixintiisa ku sheegay  in Goluhu  isugu iman doonaan kulan gaar ah oo dhici doona maalinta Axadda, kaasoo gebi ahaanba looga hadli doono qorshaha Miisaaniyadda sanadka 2014.




Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa warbixin ka siiyay golaha Wasiirada dib u howlgelinta Boostadii dalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in shirkii ka dhacay 22 April ee sanadkan magaalada Dubai ee Isu-taga Imaaraadka Carabta lagu go’aamiyay in 1-da November ee sanadkan 2013 ay noqoto maalinta ay sida rasmiga ah u howlgeli doonto Boostada Soomaaliya, waxaana la filayaa in 193 wadan oo Caalamka ah ay qoraalada lasoo marsiiyo boostada soo gaarsiin doonaan Soomaaliya, iyada oo dalka Imaaraadka Carabta uu noqon doono xarunta qabadashada, gudbinta iyo maamulka Boostada Soomaaliya, oo horay ay labada dawladood ugu heshiiyeen.




Sidoo kale, golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyey hoos u dhaca ku yimid falalkii afduubka Maraakiibta ganacsiga ee badweynta Indian Ocean, waxaana golaha ay warbixin ka dhegeysteen Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Fowsiyo Yuusuf X. Aadan, waxayna Wasiiraddu sheegtay in sanadkan ay aad hoos ugu dhacday falalkii afduubka ee Burcad badeedu ay gaysan jireen.




 “Burcad badeedu waxay ku bilowdeen rajo xumo soo wajahday noloshooda, maantana intooda badan wey isaga baxeen iyaga oo ka raja qaba isbedelada dalka ka dhacay iyo horumarka la hiigsanayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon mar uu ka hadlayay shirka Golaha.




Dhanka kale, Wasiirka Garsoorka Mudane Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa ka warbixiyay gudashada Xajka ee sanadkan oo uu ka soo laabtay, waxaana uu sheegay in sanadkan ay Xajiyeen 7440 xujjay Soomaali ah, kuwaasoo 5 ka mid ah  ay geeriyoodeen, 8 kalena ay ku dhaawacmeen.




Shirka Golaha wasiirrada somaliya ayaa khamiis walba goluhu isku dhaafsadaa xogo iyo arimo la xidhiidha hawlaha dawladda, waxaana inta badan warbixino lagaga dhegeystaa wasiirrada ugu shaqada badan xukuumadda.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com