Wednesday, October 30, 2013

Burco: Bilayska oo gacanta ku dhigay Saddex qof oo ONLF ka tirsan, kuwo kale oo la tuhunsanyahayna ku daba jooga


Burco(GNA)-Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Togdheer Axmed Xasan C/raxmaan(Ilkacase) ayaa ka warbixiyay Hawlgalo si xoog ah uga socday labadii maalmood ee ugu dabneeyay Gobolka Togdheer.




 hawlgalaaas oo ilaa shalayto laga dareemayay kadib markii dhamaan isgoysyada magaalada Burco lagu baadhayay gaadiidk.




Taliyaha  Qaybta Bilayska Gobolku waxa kale oo uu sheegay inay hawlgaladaas ku qabqabteen ilaa sadex qof oo loo aanaynayo  inay kasoo jeedaan jabhada ONLF.




Waxaanu taliyuhu yidhi''waxaa ilaa shalayto socday  hawl amni oo waajibaad nala soo siiyay ah taasoo aanu ku baadhayno magaalada oo dhan ilaa kaantaroolo iyo dhanmaan hudheelada la seexdo,iyadoo ay jiraan oo aanu ka war helay qolyo lid ku ah dawladaha jaarka ah sida itoobiya oo aanu ka wada xidhiidhnay gaashaamo,si aanu labada degmo ee gaashaamo iyo Burco aanu namaniga kawada shaqayno,waxaanuna aad u baadhaynaa wadooyinka iyo meelaha halbawlayaasha ah,waanay jiraan dad aanu tuhunsanahay oo aanu daba soconaa”ayuu yidhi.




Taliyaha  oo la waydiiyay bal inay hawlgaladooda ay jiraan dad ay ku qabteen ayaa waxa uu yidhi''way jiraan dad aanu ku qabanay tiradooduna waa sadex qof,sadex daasina waxa ku lug leeyihiin ONLF ee maaha wax gudaheena ah kuwaasna baadhitaankoodii wuu socdaa”.




“ciidamadu hadii ay baraarugsanyihiin dadkuna wuu shaqaynayaa dadkaana nagala shaqaynaya cidii ka shaki leh ama gaadhiga laga shakiyo,wado walbana iyagaa nagala jooga waanan u mahadnaqaynaa” ayuu taliyuhu hadlkiisa raaciyay.




Axmed Muuse




Gobanimonews




Burco Office