Xukuumadda Kumliye oo ku caanbaxday cabudhinta iyo xadgudubka masuuliyiinta qaranka waxay maantana duulaan hubaysan ku qaadeen xaruntii xanaanayta darbi jiifka iyo agoomaha ee Magaalada Hargeysa.
Xisbiga WADDANI wuxuu cambaarayanaa xadhiga iyo xadgudubka digtaatoornimada ah ee loo gaystay Marwo Luul Xasan Mataan ee sida sharcidarada ah looga taxaabay gurigeedii xuquuqdeedii wadaninimona lagu xadgudbay.
Xisbiga WADDANI waxa uu ugu baaqaya xukuumadda Siilaanyo in ay si degdeg ah Xoriyadeeda ugu soo celiyo Marwo Luul Xasan Mataan oo aan wax dambiya ka galin Qaranka Jamhuuriyada Somaliland balse wax badan u soo kordhisay barbaarinta danyarta iyo darbijiifka Xukuumadii Xilku ka saarnaa dayacday.
Gudoomiye ku Xigeenka 5aad
Marwo Milgo Maxamed Cilmi (Sanbalooshe)