“Jaamac Shabeel iyo Ibraahim Kacaan oo Caawa Fiidkii Beenaaleyaal ku tilmaamay Garabka Samaale ee Guddoonka doortay iyo muranka oo meel adag durba maraya”Akhri Dardaarankii Siilaanyo iyo saylici iyo sida wax u dhaceen.
Hargeysa (GNA)- muran ayaa durba ka dhex bilaamay xisbiga Kulmiye maalmo yar ka dib markii la magacaabay Guddida qaban-qaabada shirweynaha xisbigaasi oo dhan 27 xubnood , layskuna raacay Kordhinta Guddida fulinta Xisbiga oo 42 qof lagu daray , isla markaana la shaaciyay tiradda Ergada shirweynaha oo 801 xubnood lagu sheegay.
Guddida qaban-qaabada shirweynaha xisbiga ayaa u kala jabay laba kooxood oo dhan walba ujeeddo iyo dano u khaas ah qaar ka mid ah raga ku tartamaya hogaanka xisbiga, taasoo gaadhay in Maanta garab ka mid ah labada dhinac doortaan Guddoon cusub oo kooxda kale ka soo horjeedo.
“Waxaan idiin sheegayaa gudoomiye’yaashaas ay doorteen inay tahay sharci darro,fadhigii ugu horeeyay ee gudidani muu qabsoomin wali,waxa u dhinayd cidii abuurtay iyaga oo gudiga fulinta ahayd inay u soo samayso xeer hoosaadkii ay ku shaqayn lahaayeen ee uu ku jiray qaab dhismeedkoodu,ma gudoomiye kaliyaata ayay yaalanayaan ma gudoomiye iyo ku xigeen ayay yeelanayaan, ma gudoomiye iyo xoghaye ayay yeelanayaan,ma gudiyo ayaa loo sii kala ja’jabinayaa iyada oo laga fikiraayo hawsha hor taala ee gudidu qabnayso,ayay ahayd inay gudida fulintu fadhiisato oo ay ka fikirto qaab dhismeedkoodu sida uu noqonaayo, qaab dhismeed ayay iska samaysteen aanay awood u lahayn oo sida aan warbaahinta ku arkaayay afartan xubnood ee ay magacaabeen wax allaale iyo waxay sharciyad ku fadhidaa ma jirto, gudida fulintaana xilkaas iska lahayd,xilkii gudida fulintana way maroorsadeen iyaga oo aan awood u lahayn.”sidaasi waxa yidhi Guddoomiyaha Golaha ee Xisbiga kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigge (Shabeel) oo goor dhaweyd warbaahinta kula hadlay Hargeysa.
Geesta kale Xildhibaan Ibraahim Haybe (Ibraahim Kacaan) oo ka mid ah Guddiga qaban qaabada shirweynaha sadexaad ee xisbiga KULMIYE, ahna garabka ka soo horjeeda Kooxda Maanta hogaanka cusub dooratay ayaa sharaxay sidii ay hawsha ku bilaabeen.
“Waxaan ka tirsanahay gudida qaban-qaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye,waxaanu isku nimi anaga oo ah 17 xubnood oo xubnihii qaban qaabada ah,anaga oo isugu nimi hoolka Cali Maarshaal markii aanu isla eegnay waxa la yidhi aynu doorano odayga inuugu weyn da’ahaan,markii aanu is eegnayna waxa ay noqotay inaan anigu noqday ninka ugu da’da weyn sidiibaan ku ogalaaday inaan gudoomiyo ilaa inta la gaadhayo doorashada. waxaan markiiba halkii ka cadeeyay mar hadaan noqday gudoomiyahii kumeel-gaadhaka ahaa in lay doortaana way iga dhimatay,in aan cod bixiyo hadii aan lays leekaan iyaduna way iga dhimatay,markaas sida dawgu yahay ayaan idinku wadi doonaa,sidaas ayaanu ku balanay,waxaanu isla eegnay oo aanu ku balanay in aanu bari isku nimaadno (maanta),sidii baan shirkii ku xidhay.”ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo ay caawa ku qabteen Hargeysa.
Xubnahan ka daba hadlay garabka doortay Guddoonka ayaa hogaanka xisbiga ugu baaqay inay wax ka qabtaan arrintan “Waxaan ugu baaqayaa hoggaanka xisbiga anigoo ah gudoomiyahii golaha dhexe inay si dhaqso ah wax uga qabtaan arrintan oo arrinka dib loogu soo dabaalo majarihii sharciga ahaa,waayo sharci daradu waxaan fawdo iyo wareer ahayn oo ay keenaysaa ma jirto,xilkaasna in dariiqii sharciga ahaa dib loogu soo dabaalo kalsoonidiina ay dib ugu abuuraan ummada,hawshaasi waxay u taalaa hoggaanka xisbiga iyo gudigooda fulinta,”ayuu yidhi Jaamac Ismaaciil Cigge oo shir jaraa’id ka hadlay.
Garabka wax doortay ayaa Guddoomiye u doortay Abubakar Xaamud Jibriil, Guddoomiy ku-xigeen Xildhibaan Saleebaan Cabdi Cali Bukhaari, Xoghaye C/raxmaan Maxamuud Caraale, halka Af-hayeen loo doortay Sahal Maxamed Jaamac.
Fadhiga lagu doortay xubnahan hogaanka guddida qaban qaabada Shirweynaha oo ay ka soo qayab galeen shan iyo toban Xubnood waxa guddoominayay xubinta ugu da’da weynayd oo ah Yuusuf Guruje.
Sida muuqata labadan garab ee guddida qabanqaabada xisbigu waxay la kala safanyihiin Guddoomiyaha Ku-meel gaadhka ah ee xisbiga Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo labadooduba hada cadeystay loolanka ay ugu jiraan hogaanka xisbiga ee shirweynaha ka soo bixi doona, isla markaana talaabo kasta oo la qaadayo tartankoodu saameyn ku yeelanayo.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hogaanka xisbiga ee hada iyo guddida fulinta toona, hase ahaatee murankan durba hadheeyay Guddida loo xilsaaray hawsha shirweynaha xisbiga, ayaa ah mid sawir cad ka bixinaysa natiijada shir xisbigu qabsado iyo culayska siyaasadeed ee dur hoganaya.
Kala qaybsanaanta Guddida ayaa sidoo kale god ku ridaysa faan iyo fariimo dar-daaran ah oo madaxweyne Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisu laba maalmood ka hor madaxtooyada dhexdeeda ugu gudbiyeen Guddida fulinta iyo guddida qaban-qaabada.
“Xisbiga kulmiye waa Xisbigii Dawladda, waa xisbiga maanta qaranka Masuuliyadiisa haya, waa xisbi Taariikhda uu talada ku hayntay leh, waa Xisbi midnimadiisa iyo wada shaqayntiisu ay tahay mid la wada ogsoonyahay, waxaana maanta inagu waajib ah inaynu hayno oo xoojino xilkaa Umaddu ina wada saartay”sidaasi waxa yidhi Madaxweyne Axmed Maxamuud (Siilaanyo), oo madaxtooyada ku qaabilay labada guddi ee xisbiga laba cisho ka hor.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo,isagoo saaxiibadiisa Kulmiye uga digaya Hagar-daamada ay la doonayaan cadowgu xisbigooda, isla markaana u midhaaminaya kuwa jecel inuu shirweynaha xisbigu guul-daraysto waxa uu sheegay “dad badan oo cadow ah oo aan jecleyn in shirkeena iyo hawshaa aynu hayno guuli ka soo baxdo ayaa loo baahanyahay inaynu u muujino inay runtu tahay inaynu nahay Xisbi wada jira, xisbi wada shaqeeya iyo dawladdiisa oo meel ka soo wada jeeda” – “ waxaan diyaar u ahay hadii aan ahay madaxweynihii qaranka inaanu gacan buuxda ka bixino wax allaale wixii hawl ah ee nagala soo gudboonaada ee isku soo dhaweyn iyo wada shaqayn ah, waxaanan Ilaahay inooga baryayaa inaynu guul ku gaadhno meesha ay doonayno”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xisbiga kulmiye looga baahanyahay, muujinta masraxad siyaasadeed oo ku dayasho laga dhaxlo, isla markaana uu jeexo dariiq ay asxaabta kaga daydaan.
“Xisbiga kulmiye hadii aynu nahay waxaa laynooga baahanyahay inaynu xisbinimadeena muujino, inaynu shuruucda dalka kuwa dhawra ee lagu daydo aynu noqono, maadaama aynu xisbul xaakimkii aynu nahay, oo kuwon xisbimada lagaga daydo aynu noqono, kuwo qabyaalada ka fogaada aynu noqono”.
Inkasta oo ay labada hogaamiye ee dalku sidan kula dardaarmeen Kulmiye, waxa muuqata inaan dhego jalaq loo siin wixii la faray, waxaana la saadaalinayaa in talaabada ugu horaysa ee guddidu saameyn ku yeelato wada shaqayntooda mustaqbalka, taasoo hadii ay dhacdo horseedi karta faashil ku yimaada shirweynaha xisbiga.
Waxaana khasab ah in madaxweyne siilaanyo iyo ku-xigeenkiisu mar kale soo faro geliyaan hawlaha qabanqaabada shirweynaha, maadaama oo hogaanka manjaraha u haya xisbiga awood kale oo loolan kula jirtaa xisbiga u dhex fadhido.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com