Sunday, October 27, 2013

SOM: Xukuumadda Amar culus ku soo rogtay Warbaahinta Maanta, iyadoo Wariye la Dilay Tacsidiisa loo fadhiyo Muqdisho!Akhri Wareegto


Muqdisho(GNA)-Wasiirka warfaafinta, Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Gaadiidka  xukuumada Federaalka Somalia C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa ku wargeliyey Warfidiyeenada Somaliyeed ee ka hawl-gala Magaalooyinka dalka iyo guud ahaan Hay’adaha Wwarbaahintu iska diwaan-geliyaan Xarunta wasaaradda Warfaafinta Somaliya ugu dambeyn 10 Novembar ee sanadkan.




Sidan waxa uu ku sheegay Wareegto uu soo saaray Maanta oo Axad ah, iyadoo ay Warfidiyeenada Somalidu ka murugaysanyihiin Geerida Marxuum Wariye Maxamed Maxamuud (Timo-cadde ) oo xalay ugu geeriday Muqdisho dhaawac loogu geystay weerar maalmo ka hor lagu qaaday isagoo ku gudo jira hawl-maalmeedkiisa shaqo.




Wasiirka ayaa uga digay ciddii ka dhega adeyga fulinta shuruucda wasaarada warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo gaadiidka laga qaadi doono talaabo Sharciga waafaqsan.




Wareegtada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray, isla markaana loogu adkeeyay Hay’adaha warbaahinta waddanka, waxaanay u dhignayd wareegtada oo nuqul ka mid ah Gobanimonews heshay sidan:-




 




 




 




 




 




 




 




 








Warbaahinta kala duwan eek a jirta Somaliya ayaa kor u dhaafaya boqolaal Hay’adood oo kala duwan, waxaana ka hawl-gala boqolaal Wariyeyaal iyo Mihnadleyaal kale isugu jira, kuwaasoo tan iyo bur-burkii dawladdii dhexe ee somaliya la soo kifaaxayay hadba waayaha siyaasadeed iyo wacyiga dalka ka jira.




Labadii sanadood ee ugu dambeeyay ayay ugu darnayd Warfidiyeenada somalida, waxaana loo geystay dil iyo Handidaad kale oo aan ku dhici jirin xiligii aanay dalka dawlad ka talisaa jirin, waxaana sanadkan gudihiisa lagu dilay dalka in ka badan 10 Wariye, tiro kalena waa lagu dhaawacay.




Tani waxay ka turjumaysaa sida aanay dawladda Somali xil isaga saarin ilaalinta amaanka Warfidiyeenada oo ah kuwo mar walba saameyn ku leh dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo hawlaha amniga lagu sugayo.




Kooxaha ka soo horjeeda siyaasadda dawladda ee aan ogolayn in laga waramo dal nabad iyo horumar ka socdo ayaa loo aanaynayaa kuwa bariinsaday dilalka suxufiyiinta somaliya, laakiinse xukuumadda federaalka ayaa looga baahanyahay inay arintan dhakhso wax uga qabato.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com