Friday, October 25, 2013

Norway: Dhalinyarada Somalida ah ee u Baxsaday Faramaha Dagaal ee Somaliya Iyo Syria oo Gabdho ka mid noqdeen!Dhegeyso


Oslo(GNA)-Mas'uul sare oo ka tirsan nabadsugidda Norway ayaa sheegay in dowladdisu isku dayday inay qanciso mid ka mid ah ragga looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen weerarkii Westgate ee Nairobi.




Madaxa howlaha ammaanka ee boliiska Norway, Marie Benedicte, ayaa sheegtay inay la kulmeen Xasan Cabdi Dhuxulow dhowr jeer.




Dhuxulow oo 23 sano jir ah, iyo rag kale ayaa loogu shakisan yahay inay gaysteen weerar afar maalmood socday oo lagu qaaday xarunta ganacsi ee Wetsgate ee Nairobi.




Weerarkaas waxaa ku dhintay ugu yaraan 67 ruux.




Dhuxulow ayaa Norway ka soo tegay saddex sano ka hor.




Ururka Al Shabaab ayaa sheegay inuu ka dambeeyay weerarka lagu qaaday Westgate.




Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay weli waddo baaritaannada la xiriira weerakaas.




Dhan kale, Ideecadda VAO ayaa baahisay warbixin ku saabsan laba Hablood oo Somali ah oo la aaminsanyahay inay Suuriya u tageen si ay uga qayb-qaataan dagaalka halkaasi ka socda.




Waalidka Labada Gabdhood oo la waraystay ayaa sheegay inay todobaadkii hore ugu war dambeysay Gabdhahaasi, isla markaana xiligaasi ay ku sugnaayeen Turkiga,halkaasoo ay uga sii gudbeen Suriya sida uu sheegay aabaha labada Hablood.




Halkan ka dhegeyso Warbixin ku saabsan Jihaad doonka ka tegay Norway ee Gabdhuhu ku jiraan:-