Ceerigaabo(GNA) Hal qof dumar, ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacantay rabshado ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka sanaag ee Magaalada ceerigaabo, ka dib markii Subaxnimadii hore ee Saaka Dhallinyao gedoodsani ku soo xoomtay halkaasi oo sida la sheegay uu ka socday Tababbarka la siinanyo Dadka ka hawl geli doona diiwaangelinta wasaaradda qorshaynta qaranku dalka waddo.
Rabshadahan ayaa sababay inay ciidanka amaanku isticmaalaan Rasaas ay dadka ku kala cadhinayeen, taasoo sida lagu waramay ku dhacday qof dumar oo dhaawac culusi soo gaadhay.
Kacdoonka saaka dhacay iyo rabshadahan oo maalmahanba isasoo tarayey ayaa la sheegay inay ka dhasheen qaab reer Ceerigaabo ku diiddan yihiin habka loo maammulay dadkan tababbarka loo qabtay oo ay u arkaan in aan laga siin saamiyadii ay xaqa ugu lahaayeen. Waxayna u muuqataa in arrintani carqalad ku noqoqnayso diiwaangelin sax ah oo degaannadaas laga soo samayn karo.
Isku dhacyada Bilayska iyo shacbiga ayaa muddooyinkan dambe ku soo badanayay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxaana hore u dhacay dhawr isku dhac oo khasaare sababay, isla markaana nusqaan ku keenay amaanka Magaalada.
Maamulka Gobolka ayaa lagu eeddeynayaa inaanay ka hortaga mushkiladahan oo kale u waajihin qaab masuuliyadi ku jirto, taasoo dadka waxgaradka ahi u sibir-saarayaan amni darada Magaalada ku soo noqnoqotay.
Gobanimonews
Laascaanood Office
Email: editor@gobanimonews.com