Sunday, October 27, 2013

Mino Raiola: Italy Ma Jirto Wax Kale Oo Laga Hadlo Oo Aan Ka Aheyn Balotelli Iyo Siyaasad.


(GNA)Wakiilka Mario Balotelli ayaa dhaleeceeyay saxaafada Italy oo inta badan diirada saarta nolosha ciyaaryahanka uu wakiilka u yahay ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xiddiga AC Milan uu qaadanayo casharo la xiriirka dhanka dabeecad wanaaga.




Balotelli oo 23 sanno jir ah ayaa soo jiidanaayy saxaafada intii uu ciyaarayay kubada cagta weliba Italy iyo intii uu u ciyaarayay Manchester City ee England.




Wakiilkiisa Mino Raiola ayaa haatan ka jawaabayay warar sheegaya in Balotelli uu qaadanayo casharo la xiriira dabeecad wanaaga, waxaana uu sheegay inay tahay in nolosha gaarka ah ee ciyaaryahanka laga dhigo mid qarsoon.





 
‘Talyaaniga dhexdiisa waxaan ka hadalnaa kaliya siyaasad iyo Mario” ayuu Raiola u sheegay La Gazzetta della Sport.




‘‘Si ay u buuxiyaan bogaga ka banaan wargeysyadooda waxa ay abuurayaan sheekooyin sida inuu cashar dabeecad wanaaga ah qaadanayo, waana wax doqonimo ah. Mario kaliya waxaa laga abuuraa sheekooyin badan ka soo bilow gaarigiisa, dhegaha uu xiran yahay ilaa iyo gurigiisa.”




Gobanimo-Spors