Akhristeyaal intiinii la socotay labadii qaybood ee hore waxa uu qoraalkani xanbaarsanaa dhaliil toosin rabta laakiin aan ku salaysnayn shakhsi cay iyo shakhsi nacayb. Mawduuceena maantana waxa ku saabsan yahay laba qormo oo kala ah ganacsiga iyo caafimaadka oo aynu iswaydiin doono ama qiimayn doono maxay balan qaaday xukuumadda Siilaanyo? maxayse ka qabatay?.
Ganacsiga
Xukuumadda Axmed Siilaanyo waxay balanqaaday inay abuuri doonto ganacsi xor iyo xalaal ah oo kala xadidan oo anu ninka taajirka ah ama (Whole Saler) ka ahi noqon karin tafaariiqle. waxay balanqaadeen inay samayn doonaan dhul ganacsi oo (Free Zone) ah oo u dhow dekeda Berbera, waxay kale oo balan qaaday inay u samayso xafiis (Quality Control) ah oo eega wixii badeecado ah ama cunto iyo dawo ah iyo wixii nolosha khuseeya ee dalka soo gelaya.
Aan is waydiino haddaba balanqaadadaa macmacaan garanaye maxaa jira ?
waatan runtu akhristoow..
Wasaaradeena ganacsigu waxay jirtaa iyadoo magac u yaal ah mana jirto waxay dad weynaha u qabataa marka laga reebo shataati iyo liisamo ay lacag ku gurato oo keliya maamuladeeda heer gobolna hadalkooda iskabadaa!!
Ganacsatada wadanku waxay u shaqaystaan si manaxaanimo ah oo aan xuduud lahayn ninka markabka soo rarta ayaa ilaa iyo xuduudda kiilooga iyo irbaddana ku iibiya.
waxa ka sii daran xafiiskeena (quality control) xafiiska dhawrista tayada alaabta waa mid u jira magac haan oo keliya waxana dalka la keenaa raashimo faaliso ah ama dhacay ama ka hooseeya heerka kuwa xayawaanka la siiyo, waxa la keenaa dawooyin sidaasoo kale ah iyo ashyaa kale oo tiro badan oo ay ka mid yihiin dharka, kabaha,maacuunta oo dhamaantood ah faalso iyo tambareeri lagu baadho dadka masaakiinta ha ee raacatada u badan oo markaad aragto dadkaa dhibaatada lagu hayo ee haysata aad dhabaka iyo gacanta isa saarayso gebi ahaanba xukuumadeenu arimahaa ma jirto wax talaabo ah oo ay ka qaaday waxaanay ku mashquulsan tahay cashuur kordhin iyo calamo lulid akhristoow adigu mar kaa macneeyoo horumarka iyo hogaamintu ma sidaasaa? maxaa lagu faanayaa dadkii iyo noloshoodiiba wax waroo laga hayaa ma jirtee?
Caafimaadka
Wasaaradeena caafimaadka marka shaqadeeda la isu geeyo boqolkiiba 80% waxay qabataa siminaar iyo talaal 20%ka ka soo hadhana waa danaysi iyo gaadiid haayadaha laga kiraysto marka laga tago magaalooyinka waaweyn ma jiraan wax cisbitaalo ah oo ka sheeqaya miyiga uu dadkeenu ku badan yahay dhexdiisa mana jiro hal dhakhtar (dr) oo jooga meel ka baxsan magaalooyinka waaweyn!!
Farmaysiyadu waxay magaalooyinkeena uga furan yihiin sida dukaanada sigaarka lagu iibiyo iyo makhaayadaha shaaha iyadoo dadka haystaa ay yihiin kuwo jaahila oo aan wax aqoona u lahayn waxay iibinayaan in yar iyo inbadan toona wasaaradeenu waxay awoodi kariwayday inay xadido tirada farmaysiyadda dalka sharcina u samayso kormeertana oo ay qabato dawooyinka faalisada ah waxay tahli wayday inay farmaysi walba geyso qof neersin ah oo dawada yaqaana si dadka dalku u badbaado.
Ma jirto xabadkiniina oo ay ka wasaarad ahaan iyagu dadweynaha siiyaan ee keliya waxay qaybisaa waxoogaaga dawada ah ee ay haayaduhu inoo keenaan kaasiina waxa uu ku dhacaa sidaynu horeba maqaaladeenii ugu soo sheegnay anba qaataye adna qaado!!! waayo dalka oo dhanbaanu wax xisaabtan ahi ka jirini bal markaa akhriste yaalow waa iga su'aale waa kuma qofka odhan kara horumarbay wadaa xukuumadda siilaanyo? ma mid horumarka sidaa u yaqaanaa? calaamadahan aanu soo sheegnay iyo qaar kaloo badan ooo aanu afka ka dhawrayna anagoo waxbadan xeerinaynaa waa kuwa sababay in 25 jirkii dalka ee jaamiciga ahaa uu badda isugu gurayo markuu arko hogaan la'aanta iyo jileeca xukuumadda siilaanyo iyo kala daadsanaanta dawladiisa kala shaqaynayso iyo kooxda manaxaanada ah ee uu isku xeeray hee hanti tabcashada ku jirta waa sababta dhalisay yididiilo xumada ku dhacday dhalinyaradda somaliland kuna keliftay inay suudalanaa!!!
Qalinkii C/risaaq Maxamed Jaamac
Burco Somaliland
LA SOCO QAYBTA 4-AAD