Tuesday, October 29, 2013

The Guardian:Alshabaab Awoodooda Military Ayay Dhisayaan Halka Amisom Ay Dib U Dhacsantahay.


GNAA-Wargeyska lagu magacaabo The Guardian ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu qoray war bixin ka hadleysay awoodaha ku dagaalamaya dalka Soomaaliya ee kala ah Xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab iyo ciidamada shisheeye ee wata magaca Amisom.
Guardian ayaa ugu horeyn sheegay mujaahidiinta Al-Shabaab iska dhisayaan awooda ciidanka halka askarta shisheeyana ay dib u dheceen awood ahaan, iyagoo ku mashquulsan qorshe aan miro dhal ahayn.
Wargeysku wuxuu sheegay in mujaahidiintu ay aad ugu mashquuleen tababarka ciidamo cusub, taasoo ay ugu wacan tahay boqolaal askar ah oo bil walba ku biira si ay ula dagaalamaan ciidamada shisheeye.
Jariidadan ayaa intaa ku dartay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab isticmaasho xeelado dhanka is bad badalka ama guur guurka ciidanka ah si ay u khaldaan cadawgooda.
“Inkastoo Al-Shabaab laga saaray Muqdisho hadana waxay leeyihiin awood ciidan oo aan la dhayalsan karin, taasi oo laga cabsi qabo inay fuliyaan weerarro halis badan oo gudaha iyo dibaddaba ah” ayey tiri: war bixinta.
Culeyska reer galbeedka ka hor taagan qabsashadooda Soomaaliya kuma eka oo kaliya awooda milatari ee Mujaahidiinta, balse waxaa kaloo ay ka wal walsan yihiin kalsoonida gacalada leh ee ka dhaxeeysa Al-Shabaab iyo shacabka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.
“Fantasyihii ciidda ee dhowaan ka dhacay Baraawe iyo guud ahaa wilaayaadka Islaamiga ayaa ka dhigan in Al-Shabaab ay si aad ah isugu xiran yihiin bulshada” ayuu yiri wargeyska Tha Gardian oo intaasi ku daray in Shabaabka iyo dad weynuhu wadaagaan dhib iyo dheef intaba.
Sidoo kale war baahintan ayaa muujisay dacfiga iyo tabar darrida heysata ciidamada shisheeye kadib markii ay wareysteen saraakiil sar sare oo kamid ah madaxdooda.
Sarkaal ay soo xigteen oo dhanka sir doonka u qaabilsan ciidamada isku magacaabay Amisom ayaa yiri: “Ciidamada Amisom ee ka dagaalamaya  Soomaaliya uma diyaarsana inay naftooda si hagar la`aan ah u bixiyaan, isagoo intaa ku daray in maalintii 20 jeer ay is arkaan ciidamada Amisom iyo kuwa Al-Shabaab iyadoo ciidamadu kuu sheegayaan buu yiri: sarkaalkan inaanay awood u lahayn inay dabagalaan amaba wax ka qabtaan.
“Si joogto ah ayay noo soo weeraraan, laakiin wax tallaab ah kama daba qaadi karno” ayuu sidoo kale ka shanqariyay sarkaalkan oo u dhashay wadanka Kenya.
Sarkaalkan oo magaciisa qariyay ayaa wargeyska Gardian u sheegay inay adagtahay in si joogto ah loola socdo dhaq dhaqaaqa hogaamiyayaasha Al-Shabaab oo uu ku sifeeyay dad foojigan.
Xigasho: The Gurdian