Friday, October 25, 2013

Dawladdaha NATO oo ku kala aamin baxay Dhegeysiga Taleefoonada ee Maraykanku Basaasida ka wado


London(GNA)-Dawladdaha reer Galbeedka ayaa ku kala shakisan dhegeysiga Telefoonada oo Kalsooni daro balaadhan dhex dhigay waddamo badan oo xulafo siyaasadeed ahaa, ka dib markii Maraykanku basaasay Talafoonada in ka badan 37 ka mid ah madaxda dawladaha waaweyn ee caalamka.




Reysal-wasaaraha Jarmalka Angle Mercer, ayaa sheegtay inaan Washington lala yeelan Karin wax wada shaqayn ah oo dhanka Mukhaabaraadka ah, isla markaana loo baahanyahay in heshiis laga gaadho arrinta Jaajuusida Telefoonada.




Faransiiska iyo Jarmalka ayaa doonaya inay Washington waydiistaan damaanad la xidhiidha dhegeysiga Telefoonada iyo inaan danaha dawladdahooda waxyeelo loogu geysanayn, laakiinse warbaahinta Jarmalku waxay ku tilmaameen Kab wajiga lagaga dhuftay dawladda jarmalka dhegeysiga telefoonada madaxdada dawladda.




Paris ayaa sheegtay inay Sirdoonka Maraykanku dhegeysteen Telefoonada Boqolaal ka mida Mawaadiniinteeda iyo qaar ka mid ah madaxda dawladdu, waxaanau talaabadaasi ku tilmaameen xad gudub badheedh ah oo lagula kacay arrimaha gaarka ah ee dadka reer France.




Dhegeysiga Telefoonada ee Maraykanka ayaa waxa Fashilay Sarkaalka ka baxsaday Maraykanka ee Edwin Slow den, kaasoo bishii August ee sanadkan shaaciyay in laanta Mukhaabaraadka Maraykanku hawlo jaajuusnimo ah ku samaysay Taleefonada qaar ka mid ah madaxda aduunka.




Slowden, ayaa bixinta sirtaasi ka dib u baxsaday dalka Ruushka oo uu magan-gelyo siyaasadeed ka helay, halkaasoo uu dhawrkii bilood ee ugu dambeeyay kuy suganaa.




Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inaanay eedeymaha la xidhiidha Basaasida talefoonada madaxda aduunka kaga jawaabayn si fudud balse ay dib u eegis ku samaynayso qaabka ay u shaqeeyaan laamaheeda sirddoonku, si wixii khaldan loo saxo.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com