Burco(GNA)-Maayarka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdi(Maxamed Muraad) ayaa sheegay in sadex wado oo laami ah ka hirgalin doonaan magaalada Burco.
Maayarku wuxuu sidaas ku shaaciyay xili uu shalay si rasmiya u bilaabay wadadii ugu horaysay oo ka mid ah waddooyinkaasi banaeynteeda.
Maayir Muraad ayaa sidoo kale sheegay inay hawlaha fulinta Mashaariicda degmadu si wanaagsan ugu socdaan isla markaana ay golaha degaanka ee Burco isku duubanyihiin.
''wadooyin hore oo aanu la kawsanay way jiraan oo koontaraagoodii naga horeeyay laakiin aanu bilawnay.hadana sadex wado oo laami ah ayaanu hawshoodii wadnaa midi waa tan aanu hada bilawnay ee aanu hada banayno ee aanu gacanta ku hayno ee ka billabanta Hotel nasiye ilaa iskuulkii jarmalka,ta labaad oo ka bilaabmaysa Hotel baarsiigo iyo wadada kale oo Hotel cadaan ka bilaabmaysa ilaa hodheelka geesoole sadexdaasiba labadan Bilood ee sanadkan ka hadhay ayaanu damaystiraynaa”ayuu yidhi Maayirku.
Waxaanu intaasi ku daray “waxaa kale oo jira wado kale oo aanu ku xigsiin doono oo ah mid afraad taasoo ay dadwaynaha xaafada hodan iyo gaadiidu waxoogay qaadhaan ah iska ururiyeen anaguna aanu ku dari doono wixii ka dhinaada”ayuu yidhi.
Mayaarka oo ka hadlay khilaaf dhawaan ka dhexeeyay xubno ka mid ah golaha deegaanka, ayaa sheegay inuu dhamaaday khilaafkaasi.
“Ragu haduu meel wada joogo waa lays qabanayaa oo shaqada iyo afkaarta ayaa layskaga hor imanayaa,laakiin maanta aad iyo aad baanu isugu duubanahay oo hal Koox-baanu nahay,meel wanaagsan baanay marayaan isku duubnidaana wax walba aanu ku hir galinaynaa”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Dawladda Hoose ee Degmada Burco, ayaa mudadii Golaha deegaanka ee cusub la doortay hawlaheedu si xawli ah u socdeen, waxaanay hir-geliyeen mashaariic badan oo dhanka horumarinta adeegyada aasaasiga ah.
Axmed Muuse
Gobanimonews
Burco Office