Hargeysa(GNA)-Madaxweyneha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Axmed Dalal Faarax.
Axmed Dalaal Faarax, ayaa lagu eedeeyay inuu saxeexay heshiis Maamulka Hawada Somaliland lagu hoos geynayo Dawladda Somaliya, inuu sharciyeeyay in Baasboorka cusub ee Somaliya laga isticmaalo somaliland iyo arrimo kale oo maamul, sida ay Gobanimonews wararka ku heshay.
Hase ahaatee war saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo lagu shaaciyay xil ka qaadistiisa, ayaan lagu xusin sabab xilka looga qaaday, inkasta oo madaxweynuhu sheegay inay sababtay baahi khasabtay bedelkiisa.
Warsaxaafadeedkaasina waxa uu dhignaa sidan:- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-2129/102013 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada, Mudane, Axmed Dalal Faarax isaga oo madaxweynuhu xilkaasina u magacaabay Agaasime cusub.
Madaxweynuhu:
markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada ah ee JSL;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cumar Cabdilaahi Aadan Qalinle, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada ee JSL.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu agaasimihii hore ee Wasaaradaasi Mudane Axmed Dalal Faarax ee uu Digreetada xilka ka qaaday ku yidhi
Mudane.
Waxa aan kugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada ee JSL.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cumar Cabdilaahi Aadan Qalinle, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.
Waxa Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawa