(GNA)Gaallada oo Maalinba Maallinta Ka Danbeysa Ku Soo Dhawaanaya Diinta Islaamka
Dadka Muslimka ah ayaa waxay Aaminsan yihiin Qaddarka Alleh oo ah mid kamida Iimaanka. Laakiin Saynisyahano Jarmal ah ayaa ku sheeggay baadhitaano ay sameeyeen in qofka oo Aamina Qaddarka ay keento inuu si wanaagsan uga gudbo hadii uu waayo ama uu ka dhinto qof uu jecel yahay,
Baadhitaankan oo Seynis-yahanadan ay ku sameeyeen magaalooyinka Monster & Mainz ee ku yaala galbeedka dalka jarmalka ayaa lagu sameeyey 400 oo qof kuwaas oo ay ka dhinteen dad ay jeclaayeen oo ah sida xaaska ama Ninka, Culimadan ayaa si joogto ah ula socotay dadkaa mudo sagaal sanadood ah,
Baadhitaankan ayaa lagu ogaaday in dadkii iyagu Aaminsanaa Qaddarka Alleh ee kamid ahaa 400 ee waayey Qofkii nolosha la wadaagayay aanay ka lumin farxadoodii isla markaana ay noloshoodii si caadi ah u sii wateen, Halka kuwii kalle ay ku adkaatay inay ka gudbaan marxaladaa oo ay noloshooda si caadi ah u sii wataan,
Baadhayaashan ayaa sheegay in Daraasadan ay tahay mid mihiim ah sababtoo ah waxaa jirtay Daraasad hore oo lagu sheegay in Rumeysnaanta Qaddarka inta badan ay ku keento dadka mushkiladdo ay ka mid yihiin Farxad yaraan iyo nolosha oo ayna guul ka gaadhin iyo xanuunada oo ay khatar u yihiin,
Lolh Cbeshet oo ah gabadh ka mid ahayd baadhayaasha daraasadan sameeyey ayaa sheegtay in Aaminsanaanta Qaddarku uu ku leeyahay Raad weyn Xaqiiqada markaa jirta,
N/B:- Waxaa wax weyn ah in gaaladii ogaato Rumeynta Qaddarka oo ah Rukun Ka mid ah Arkaanta Iimaanka ee Islaamka inuu Faa,iido u leeyahay qofka Rumeeya, Iyadoo Qaddarka Alleh inaga oo muslim ah diinteenu inoo sheegtay Boqollaal kun oo sanadood ka hor
Diyaariye"C/qaadir Askar
Gobanimonews.com