Saturday, October 26, 2013

Axmed M. Seed: WADDANI iyo UCID waxay soo saari doonaan go’aan midaysan oo ay ku waajahayaan Sirka wada-tashiga Qaran”


Hargeysa(GNA)-Xisbiga Waddani, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan shirka wada tashiga qaran ee Madasha wada-tashigu ku wareejisay.




Xisbiga ayaa Beeniyay inay ku gacan saydheen soo jeedinta Madasha ee ah inay xisbiyada Mucaaridka ahi qabtaan Shirkii ay ku baaqeen bishii hore.




Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin, ayaa lagu sheegay inaanu xisbigaasi ku gacan-saydhin shirka loogu baaqay, isagoo daba socda warar arintaasi ku saabsan oo warbaahinta Maxaliga ahi qortay.




 




“Warka uu qoray Wargeyska Saxansaxo ee ku taariikhaysnaa Sabti 26 October 2013 tirsigiisa 2002 ee ciwaanka looga dhigay “ Xisbiga WADDANI Oo Ku Gacan Saydhay Shirweyne Talo Qaran Ah Oo Madashu Xisbiyada Mucaaridka Ah Tunka U Saartay”  waa been abuur cad oo lagu jaahwareerinayo bulshada somaliland.” Ayuu ku yidhi Axmed Muumin seed qoraal uu soo saaray.




 




Waxaanu intaasi raaciyay “Xisbi ahaan waanu soo dhaweynaynaa shirkaas ay nagu wareejiyeen Madasha Wadatashigu, Xisbiguna wuu ka tashanayaa sida loo waajahayo.




 




Labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID waxay soo saari doonaan go’aan midaysan oo lagu waajahayo arrintaas.




 




Bulshada Somaliland iyo Madasha Wadatashigana waxaanu u cadaynaynaa in warkaas saxansaxo qortay yahay been abuur cad oo loola badheedhay in lagu kala dilo Madasha Wadatashiga iyo mucaaridka gaar ahaan Xisbiga WADDANI.




 




Waxanu bulshada leenahay ma jirto meel aanu ku diidnay ama ku gacan saydhnay shirkaas balse gacmo furan ayaanu kusoo dhaweynaynaa”ayuu yidhi.




Siyaasiyiinta ku bahoobay dalad siyaasadeedka Madasha wada tashiga qaranka, ayaa todobaadkii hore sheegay inay qabashada shirweynihii ay ku baaqeen ay labada xisbi qaran oo wada jira ku wareejiyeen, si ay u dhawraan sharciga iyo kala dambeynta dalka.




Xisbiga Ucid ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha wada-tashiga Qaran, xaqiijiyayna inay hawshaa lan wareegayaan iyagoo la kaashanaya Xisbiga WADDANI ee maanta Mawqifkiisa caddeeyay.




 




Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa si weyn uga walaacsan qabsoomida shirkaasi iyo waxa ka soo bixi doona, waxaanay hore xukuumaddu ugu gacan saydhay inay aqbasho Shir kasta oo sharciga iyo qawaaniinta waddanka baalmarsan.




 




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com