Beled-xaawo (GNA)26, 2013 - Degmada Beled-xaawo ee ku taala xuduuda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya ayaa weli waxaa ka taagan xiisad u dhexeysa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ururka Ehellusuna oo mar sii horaysay la mideeyey, balse khilaaf soo kala dhex galay.
Dagaal khasaare geystay ayaa deegaanka ka dhacay 24 saac ee ina dhaafay, waxaana ku dhintay inta la ogyahay saddex ruux oo labbada dhinac ah, dhaawacuna intaasi wuu ka badanyahay, sida ay Goob-joogeyaal sheegeen.
dagaalka ayaa wakhti qaatay balse haatan qaboobay in kastoo xiisadu weli jirto, isla markaana wax waan-waan ah oo lagu dejiyaa aanay jirin.
Afhayeenka ururka Ehellusuna ee gobollada Koonfureed sheikh Maxamed Xuseen Al-qaadi ayaa sheegay in ciidankooda la soo weeraray isla markaasna ay is difaaceen, waxaanu intaasi ku daray in ciidanka xiisada dhaliyey ay ka yimaadeen dhinaca degmada Doolow.
Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalku ahaa mid culus,isla markaana xaalada degmada iyo meelihii lagu dagaalamay ay deganyihiin hada.
Saraakiisha Ciidamada dawladda ee ku sugan Beled-xaawo ayaa shalay Jimcihii sheegay inay ka baxeen gudaha degmada, ka dib markii ay iska hor-imaad dhex mara kuwa Ehlusuna ka baqeen.
Sarkaal u hadlay Ciidamada ayaa sheegay inay Maleeshiyaadka Ehlu-suna Handi-daad ka geysteen deegaamadaasi, isla markaana ay ka war sugayaan Maamulka Gobolka Geddo oo Gobolka ka maqan.