Monday, October 28, 2013

Baadhitaan Lagu Sameeyey Jeermiska (Fungus) Ee Ku Dhaca Geedka Muuska


(GNA) Muuska iyo bixitaankiisa waxa ku dhaca jeermiska ama fungus kaasoo ku faafa dhamaanba adduunka, asalka xanuunka muuskan waxa laga heleay wadamada Koonfur Bari Eeshiya




Caleentii geedku waa qaadhaa oo madoobaaneysaa marka cudurku ku dhaco (Mycosphaerella fijinesis) taasoo si toosa u abaaraya caleentii cagaarneyd (photosynthesis) islamarkaana cudurkani waxa uu soo dedejineyaa iyadoon muuskii aanu gaadhin xilligiisii inuu isu-bedelo sidii wax-bislaadey oo kale.




Waxa kale oo cudurkani sameyn weyn ku reebaa inuu dib u dhigo waqtigii xilligii xagaafida (harvest) iyo saameyn uu u yeelo tayadii iyo tiradii muuska. Joornaal cilmiga degaanka ee lagu magacaabo (A Molecular Ecology Journal) ayaa shaaciyey cudurkan inuu far aba`an ku hayo beeraha muuska ee Adduunka, waxaanu wargeysku ka soo xigtey genetic markers oo uu tilmaamey, “in baadhitaan lagu sameeyey 735 caleenta muuska ee  37 wadan oo kala gedisan lana xaqiijiyey iney leeyihii hido-side isku-mida (genetic similarities)”.




Fungus-kii oo ku dhacay caleentaa muuskana u bedelaya




caabuq ama biseyl iyadoo xilligiisii gaadhin.




Markii u horeysey waxa la shaaciyey in fungus-kani laga helay Fiji 1963-dii, laakiin markii hore loo haystey asal-ahaan Papua New Guinea ama Solomon Islands.




fungal spores-ku kama badna inta kiilomitir ee ay gudbi karaan, waxay gaadhi karaan ilaa dhawr mitir, waxaana dila ama wax u dhima falaaraha cadceeda, laakiin xilliga ay dabayl fiicani jirto waxay gaadhi karaan dhawr boqol oo kiilomitir. Laakiin baadhiyahanadu arintan socdaalka la xidhiidha sharaxaad kamay bixin sida fungus-kani uu ugu gudbi karo Adduubka intiisa kale, laakiin waxay kaloo hoosta ka xariiqeen in uun aya tahay faafinta iyo dhoofinta ku aadan la socdaalka dadka (human contribution)




Sarkaal sare Ms. Robert oo kooxdan baadhid-yahanada ka mid ahaa tidhi yidhi, “daraasadani waxay faa´ido u yeelaneysaa warshadaha ku hawlan muuska iney yareeyaan isticmaalka fungicide, islamarkaana horumariyaan kontoroolid is-tiraajiyadeed aad u wanaagsan”. Waxay sii raacisey, “aad bay muhiim u tahay abuuridda iska-caabis pathogene kala-gedisan (pathogene-resistatant) oo ku haboon xaalada, waayo pathogene-ku waxa uu leeyahay qabatin (adaptation). 




Diyaariye:C/qaadir Ismaaciil Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com