Wednesday, October 30, 2013

Tacsi Madaxweyne geeridii Xildhibaan Cumar Islow


Muqdisho, 30 October 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa tacsi u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka, dhammaan xildhibaanda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu uga tacsiyadeeyey geeridii shalay ku timid Marxuum Cumar Islow oo ku geeriyooday Nairobi.




 Madaxweynaha ayaa yiri "Innaa Lillaahi wa inaa Illaahu raajicuun, Geeridu waa xaq, waxaana EEBBE ka baryayaa inuu Samir iyo Iimaan uu naga siiyo marxuum Cumar Islow, isagana uu janaddii EEBBE ka waraabiyo. Dhammaan eheladdii, asxaabtii iyo xildhibaanadaba waxaan leeyahay Samir iyo Iimaan EEBBE ha naga wada siiyo, innagana aan u soo wada duceyno in Illaahey uu janadii fardowsa ka waraabiyo."