Thursday, October 24, 2013

SL: Talaalka oo ka mid noqday Mashaariicda ugu Musuqmaasuqa badan ee Dawladdu Maamusho


Hargeysa(GNA) – Golaha Wasiirrrada Xukuumadda Somaliland ayaa fadhigoodii Todobaadlaha ahaa ee maanta waxa la gaadhsiiyey oo laga talaalay cudurka dabaysha oo ololihiisu ka socdo dalka, isla markaana da’ kasta lagu talaalayo.




Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye iyo ku xigeenkiisa Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo ka qayb gelayey fadhiga golaha xukuumadda ayaa ugu baaqay bulshada Somaliland inay  ka faa’iidaystaan talaalka cudurka dabaysha, si looga hortago saameyntiisa.




Wasiirka Deegaanka Marwo Shukri Xariir  wasiir ku xigenka wasaaradda qoyska iyo arimaha Bulshada ee JSL ayaa iyaduna fadhiga wasiirada gudihiisa farriin gaar ah oo ku saabsan qaadashada talaalka uga dirtay haween-weynaha Somaliland uguna baaqday inay ka faa’iidaystaan fursadan muhiimka ah ee lagu yaraynayo lagulana dagaalamayo waxyeelada uu keeni karo cudurka dabaysha ama Polio-da, iyadoo ku dhiirrigelisay in hooyadu ay is talaasho, ubadkeedana talaasho.




Ololaha Talaalka Cudurka Dabeysha ayaa galay maalintii saddexaad, waxaanu ka socdaa dhamaan Goboladda dalka oo dhan, inkasta oo baaxaad loogu talo galay marka la eego, habacsanaan badan iyo gaabis ka muuqdo deegaamada qaar, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa oo ka mid ah Magaalooyinka ugu dadka badan.




Wacyi gelinta Ololahan ayaa ah mid aan aad looga dareemayn deegaamada qaar, waxaana jira maamul xumo iyo wax is-daba marin laga sheegayo Saraakiisha dawladda ee hawshan gacanta ku haya, kuwaasoo qaarkood caqabad ku noqdeen hawlihii wacyi gelinta, isla markaana hakiyeen qayb ka mid ah hawl-wadeenada wacyi gelinta ka shaqaynaya.




Ololeyaasha talaalka kala duwan ee ay Dawladdu maamusho, isla markaana ka mid ah fursaddaha yar-yar ee soo mara dadka ku foogan arimaha caafimaadka, khaasatan dadka shaqooyinka ka hela maalmaha uu socdo,ayaa Musuqmaasuq maasuq badan ay inta badan ku sameeyaan Saraakiisha hoose ee Wasaaradda Caafimaadku, gaar ahaan Isuduwayaasha Goboladda iyo kuwa degmooyinka u qaadaa.




Dadka ka qayb-qaadanaya Ololaha wareegan baaxadda weyn ee Talaalka ayaa ka badan kuwii xiliyadii hore, waxaana lagu soo daray Saraakiisha heer Gobo lee Wasaaradda Waxbarashada iyo Diinta iyo awqaafta, kuwaasoo ujeedada loogu soo daray looga gol-leeyahay si ay dadka waaweyn ee Khaladka ka aaminsan talaalka iyo Ardayda uga dhaadhiciyaan faa’idooyinka dhibcaha talaalka.




Laakiinse waxa la sheegay in Madax wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka M/jeex, saraakiishaasi qaarkood khilaaf kala hor-yimi, isagoo doonaya inuu kharashka loogu talo-galay qaato marka ay hawshu dhamaato.




Saraakiisha  inta badanka ka shaqeeya Talaalka ayaa lacag dheeraad ah ka raadiya mashruucan, waxaanay inta dhimaan tirada dadka loogu talo-galay inay hawsha qabtaan, taasoo badanaa sababta inaanay hawshu sidii loogu talo galay u fulin, amase aanu talaalku dad badan gaadhin.




Si kastaba ha ahaatee mushkiladda ugu weyn ee inta badan ka hortimaada Talaalka, kagana timaada dhanka Bulshad ayaa ah wacyi-gelin la’aan, sababta inay dadku diidaan talaalka.




Hay’adaha ka caawiya dawladda ayaan iyagu wax daba gal ah ku samayn qaabka loo fuliyo hawsha, isla markaana indhaha ka laliya waxyaabaha caqabadda ku ah cidhib tirka cudurka dabeysha, waxaana hay’adahaasi ka mid ah UNICEF iyo WHO oo midkoodba qayb hawsha ku leedahay.




UNICEF, ayaa bixisa qayb ka mid ah dhaqaalaha lagu fuliyo hawsha, halka ay WHO bixiso kharashka qayb ka mid ah iyo waliba daawooyinka iyo agabka kale ee Daruuriga ah.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com