(GNA) Guddiga farsamada garsoorayaasha Spain CTA ayaa sheegay in aaney wax dacwad ah ka furi doonin Cristaino Ronaldo kaas oo lagu eedeeyay inuu hadal aan habooneyn kula hadlay garsooraha intii ay socotay kulankii El Clasico ee ay guuldarada ka soo gaadhay Barcelona.
Muuqaalo la duubaya ayaa muujinaya Ronaldo oo hadalo kulul ku yidhi garsoore Alberto Undiano intii ay socotay kulankii 2-1 looga badiyay kooxdiisa.
Ka dib goolkii labaad ee Barcelona, Cristiano ayaa jaale la siiyay ka dib markii uu garsooraha ku eedeeyay inuu rigoore ka baajiyay Los Blancos xilli ka horeysay markaas.
Xiddiga reer Portugal ayaana la arki karaa isagoo Udiano u sheegaya inuu fulay yahay oo uu ka baqay inuu rigoore ka dhigo Barca, laakiin garsooraha ayaan dhacdadaas ku darin warbixintiisii ciyaarta taasoo keentay in Ronaldo uu ka badbaado wax dacwad ah.
Si kastaba, CTA ayaa sheegtay inay fiirin doonaan hadaladii daafaca Real Madrid Sergio Ramos kaasoo ciyaarta ka dib yidhi: “Waxyaabaha qaar lama dagaalami kartid. rigoore cad ayay aheyd kubadii uu gacanta ku taabtay Adriano iyo qaladkii lagu galay Cristaino.”