GNA_Caruurta la seexiyo xilli isku mid ah habeen kasata amaa maalin kasta ayaa la sheegay in ay ka caafimaad iyo dabeecad wanaagsan yihiin kuwa xilligii la doono la seexiyo oo aanay waqtigoodu xadeysnayn kadib daraasad caafimaad oo la sameeyay.
Daraasad cusub ee la sameeyay ayaa lagu falanqeeyay xiriirka ka dhexeyn kara hurdada caruurta iyo dabeecadahooda.
Yvonne Kelly oo ah madaxa daraasadan cusub ayaa iyadu sheegaysa in isbaddalada aan xadka lahayn ama kala duwan ee caruurta jiifkooda ah ay saamayn weyn ku yeelato habka uu u shaqaynaayo hoormoonada jirkooda,waxaana ay sheegtay Drsadu in isbaddalkaasi ku dhacaya hoormoonadu keeni karaan qallafsanaan ama dabeecad xumo uu qaado ilmaha yari.
Daraasadan ayaa lagu sameeye ilaa 10,000 oo caruur ku dhalay dalka Ingiriiska intii udhexeysay sanadihi 2000 ilaa 2002.
Drsa,Yvonne Kelly ayaa ku boorisay waalidiinta in ay caruurtooda seexiyaan xilli hore kana ilaaliyaan waxyaalaha madadaalada ah sida daawashada aflaamta ama ciyaaraha , mana habboona ayay tiri in caruurta loo shido TVga xilliyada ay dhawdahay hurdadoodu, waxayna ka digtay in xoog loo adeegsado jiifiska ilmaha.
Ugu dambayntii Yvonne Kelly ayaa sheegtay in tamaam uu noqdo ilmaha xiliiga wanaagsan ee cayiman ama qorshaysan la seexiyo mid jir ahaan iyo maskaxeedba
Diyaariye>C/qaadir Ismaaciil Askar
askars4@hotmail.com
Gobonimonews.com