Sunday, October 27, 2013

Ma taqaan Madaxda Dawlada ee Gobolka Togdheer Ninka Ugu taajirsan?By Cabdilaahi


Inkastoo Illaaay Xaaraameeyay hantida umada hadana sanad walba la arkaa rag xatooyada lagu buunbuuniyo oo soo caan baxa,iyaguna inta loo seeto dheereeyo xaga rabi isu qaata inay karaamo iyo shraf ay leeyiiin ku heleen hantida umada ee la boobayo taas oo masaakiintii lahayd gidaar kasta darxumo iyo baai la jiifaan,halkii laga caawin lahaana uu haysto hantidii la wada lahaa nin aan u tudhayn oo xoolahas umada ka samaystay guryo iyo gaadiid kal ah kuwii raaxada iyo kuwii xamuulka ahaa ee shaqaynayay.
hadaba waxaan qormadan kusoo qaadanayaa mid ka mid ah madaxdaas aan sheeganay oo loo yaqaan (maalintacab,Bil tacab iyo sanad tacab). Maareeyaha wakaalada Biyaha Burco Ibraahin yuusuf diiriye, hadii an ka bilaabo taariikhdiisa shaqo,waxa shaqo uu qabto ugu horaysay oo tan ku xigtay Dawlada Hoose ee Burco oo uu ka shaqo galay 2001 halkaas oo uu juwan jare kasoo noqday  cashuuraha.taas oo looga eryay saqo xumi,intaas ka dib waxaa xigatay hashan maandeeq ee wakaalada oo uu ku yimi sifo kaambayn odayaaleed.
hadaba waxaa is waydiin leh halkeebuu maareeyhu kaga jiraa wakti tacab si kastaba ha ahaatee?
Hadaan su'aashaas anigu  jawaab u raadiyo markaan si xeel dheer u waraystay qaar ka mid ah shaqaalaha wakaalada,dad badan oo xaaladiisa ganacsi u warhaya iyo waliba qaar qaraabadiisa dhaw ahba,waxaan qaatay halbeega ah ( Bil Tacab) waayo intaanu bil joogin ayuu dhameeyay Guriga oo ka qabyo ahaa qol iyo daaradii u dhisnayd ayuu filo macaa gaydh ah kadhistay,
       Waxaa xigay gaadhi waaraad a oo ka shaqeeya Hawd, waxaa xiga gaadhi Land Crusser ah oo Hay 'adaha uga  kiraysan, waxaa xiga kaalin shidaal, waxaa xiga Super Marketcasri ah, waxaa intaas lay sheegay dheer sida laga helayo ilo lagu kalsoonyahay shirkado badan oo uu sheer kaga jiro,
    Hantidaasi waan aragnay ee waa sidee   shaqo aaan?
.
 waxyaabaha xaga shaqada ah ee hawlaaas u sii dheer waxaa ka mid ah shaqaalaha waxa uu kula dhaqmaa qaybi oo xukun waayo waxaa ii waramay shaqaale kabadan 10 ku waasoo mid waanin kaanbayn gareeya ninkii shaqaalaha dawlada ee gobolka togdheer ee siyaasadiisa hoos u eega inta badana ku guulaysta waayo waxuu hayaa dhaqaaliii oo cid xisaabinaysaa jirin,  waqtigii hore waxaa masuulka wakaalada lasaxeexi jiray mayarka laakiin inyii laga hoos saaray dawladii hoose waa hanti gacan kaliya ka baxaysa oo ah siduu isaga kaliyihi doono. waxaa dayacan dhamaan kaabayaashii wakaalada biyaha sida gaadiidkii oo qaar badanoo kamid a aad arki doonto dayaca ka muuqda ceelasha .waxaa kale oo wax lala yaaba ah inuu shaqaalaha ay dawlada iyo hay,ada saqaaluhu imtixaanka ka qaaday uu isagu kuu doonana eryo kuu doonana qorto.

waxaa ugu badan biyo la'aanta ka sokow cabasho soo yeedhaysa dadweynihii taasoo ah biyaha ceelasha badankoodii oo isu rogay qadhaadhaan la' cabi karin .

hadaba su'aashu waxaytahay maxaa dhibaatada intaas le'eg ee aan ladafirikarin ay indha a uga qarsanayaan cidii ku shaqada lahayd sida wasaarada biyaha iyo madaxtooyada soomaaliland oo ah bulshada danyarta ah ee dayacani masuuliyadeeda saaran tahay .aan idiinku soo gudbino
waxaa inoo balan ah in sawirada hantidaas la lunsaday si sax ah inku soo gudbino .soona digno warbaahinta kala duwan,iyo youtube ka.

Lasoco cadadkayaga danbe insha allaah
C/laahi X.Dubad Maxamed